Madaxweyne Siilaanyo oo ka dareen-celiyey Go’aanka Muuse Biixi Ugu Tanaasulay Murashaxnimada Madaxweynaha Kulmiye

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa sheegay in dadka Somaliland yihiin Qaran halgan ku jira, isla markaana waxyaabaha qaar in la isku qabtaa ay imanayso, balse loo baahan yahay in markasta Qaranku yeesho cid gurmata oo xalisa hadba xaaladaha soo kordha.

IMG_0067Madaxweyne Axmed-Siilaanyo waxa uu sidaa ku sheegay kulan qado ah oo uu maanta Madaxtooyada kula qaatay xubno Ganacsato ah oo ku guulaystay soo-xero-gelinta Guddoomiyaha Xisbiga talada haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ka dib markii ay habeen-hore Madaxtooyada isku-hor-fadhiisiyeen Madaxweyne Siilaanyo iyo Muuse Biixi oo khilaaf doonista hanka kursiga ee Musharaxnimada Jagada Madaxweynaha ee Xisbigaas ah isku-qabteen, labadooda oo mid waliba hore u sheegay inuu Musharrax yahay, ka dibna uu Muuse sidaa ku tanaasulay.

Tallaabada uu Muuse Biixi ugu tanaasulay Madaxweyne Siilaanyo inuu noqdo Musharraxa keliya ee u taagan jagada Madaxweyne-nimo ee Xisbiga KULMIYE shanta sano ee soo socda oo uu tanaasulka ka hor aad ugu ad-adkaa, ayaa timi ka dib markii ay Ganacsatada ay Muuse isku beesha yihiin ee Sacad Muuse, ka dib markii ay Ganacsatadaasi u muujiyeen Guddoomiye Biixi dano guud oo dhaqaale iyo maaliyad uu isagu gaar u helayo haddii uu caddeeyo inuu ka tanaasulay Musharraxnimadiisa xiisadda ka dhex-dhelisay isaga iyo Madaxweynaha, taasoo Muuse-na aqbalay sida uu shalay ku caddeeyey Shir Jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Hargeysa.

HALKAN KA DHEGAYSO

SOMALILANDPOST.NET