Madaxweyne Siilaanyo oo isku soo Dhawaynaya Dhinacyada kulmiye

Hargeysa(SLpost) – Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa xalay kulan la yeeshay xubnaha iska casilay guddida qabanqaabada shirka Kulmiye ee loo asteeyay 10-ka November. Kulanka ayaa lagu lafo guray arrimaha salka u ah muranka dib uga curtay garabyada kulmiye.

 

Guddoomiyaha labaad ee Kulmiye xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf Waabeeye, guddoomiye xigeenka saddexaad ee Kulmiye xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle, guddoomiye xigeenka koowaad ee wakiillada Baashe Maxamed Faarax iyo guddoomiye xigeenka labaad ee wakiillada Dr Cali Yuusuf Axmed ayaa madaxweynaha la kulmay, waxayna dhammaantood metelayeen garabka musharaxiinta isbahaystay ee kala ah Maxamed Biixi Yoonis, xildhibaan Kijaandhe iyo Cabdicasiis Samaale.

 

Dhinaca madaxweynaha waxaa kulanka ku wehelinayay wasiirka gaashaandhiga Axmed Xaaji Cali Cadami, wasiirka maaliyadda Samsam Cabdi Aadan iyo wasiirka madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi, kuwaasi oo qaarkood garabka Muuse Biixi yihiin.

 

Ma jiro war rasmi ah oo kulanka laga soo saaray, balse xogaha laga helayo ayaa sheegaya in xubnahan madaxweyne Siilaanyo hore ugu igmaday qabanqaabada kulmiye ee kala ah xildhibaan Waabeeye iyo Cabdiraxmaan Talyanle ay madaxweynaha u sharaxeen sababta ay uga tageen qabanqaabinta shirka, iyagoo sheegay in garabka Muuse Biixi afduubay qabanqaabinta, diideena in si hufan wax la isula eego.

 

Sidoo kale xubnaha shir guddoonka ee Baashe iyo Cali oo kulanka ka hadlay waxay sheegeen inay la qabaan walaaca garabkan musharaxiinta isbahaystay ka qabaan hanaanka loo wado qabanqaabada shirka golaha dhexe ee Kulmiye

 

Madaxweynaha ayaa sidoo kale la filayaa inuu maanta kulan la yeesho xubnaha Muuse Biixi taabacsan ee shirka qabanqaabadiisa gacanta ku haya Maxamed Kaahin iyo xoghaye Xasan Siciid, kuwaasi oo uu kala hadli doono cabashada garabka kale qabo.

 

Illaa hadda ma cadda in madaxweyne Siilaanyo si siman iskugu soo jiidi doono garabyada Kulmiye oo ay muuqato inay ku kala fogaadeen aragtida qabanqaabada shirka iyo loolanka Kulmiye, maadaama madaxweynaha lagu eedeeyay inuu dhinac yahay, taasi ayaa sii xumaysay xal laga gaadho khilaafka Kulmiye.