Madaxweyne Siilaanyo oo Isku-shaandheyntii ugu ballaadhneyd ku sameeyey Xukuumaddiisa

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa xilalkii ay qaranka u hayeen ka qaaday Wasiirro ka tirsan Xukuumaddiisa, Taliyeyaal Ciidan, wasiir ku-xigeenno iyo Agaasimayaal Guud, halka uu sidoo kale isku-beddel ku sameeyey Xubnaha ugu tunka waaweyn xukuumaddiisa.

news1Sida lagu sheegay war-saxaafadeed caawa xilli dambe ka soo baxay xafiiska afhayeenka madaxtooyada, madaxweyne Siilaanyo waxa uu sidoo kale xilal u magacaabay masuuliyiin hore xilal uga soo qabtay xukuumadiisa iyo qaar ku cusub saaxadda siyaasadda.

Warsaxaafadeedka, ayaa u qornaa sidan: “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3002/022015 uu xilka qaadis, magacaabid, iyo isku bedel balaadhan ku sameeyey golaha wasiirada, w/kuxogeenada, Agaasimeyaasha guud qaar ka mida, Taliyeyaasha Ciidamada iyo Hay’adaha Madaxa banaan.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:                     Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:            Ahmiyadda weyn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay:                     In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasiirada Wasaaradda dalka iyo W/ku-xigeenada Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markuu Ka Fiirsaday:        Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;

Markuu ku Qancay:           In ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

 

  LIISKA WASIIRADA CUSUB IYO KUWA LA ISKU BEDELAY
1 In Dr. Cabdi Aw Daahir Cali, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Somaliland (Hore W/xanaanada Xoolaha)
2 In Mudane, Cali Siciid Raygal, uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta ee Jamhuuriyadda Somaliland (Hore W/Dhalinyarada iyo Cayaaraha)
3 In Mudane, Axmed Cabdi Kaahin, uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Somaliland
4 In Mudane, Cabdicasiis Maxamed Samaale, uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland (Hore W/Maaliyada)
5 In Marwo, Samsam Cabdi Aaden, ay ahaato Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Jamhuuriyadda Somaliland (hore W/Waxbarashada)
6 In Mudane, Baashe Cali Jaamac, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Biyaha ee Jamhuuriyadda Somaliland

 

  LIISKA WASIIR KU XIGEENADA LA ISKU BEDELAY IYO KUWA CUSUB
1 In Mudane, Cabdi Daahir Camuud, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Somaliland
2 In Mudane, Axmed Faarax Cadare, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Maamulka Gobollada iyo Degmooyinka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Somaliland

 

3 In Mudane, Cismaan Garaad Soofe, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta ee Jamhuuriyadda Somaliland
4 In Mudane, Xasan Daahir Dhimbiil, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka ee Jamhuuriyadda Somaliland
5 In Mudane, Axmed Maxamed Nuur (Indha-case), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga ee Jamhuuriyadda Somaliland
6 In Mudane, Nuur Cismaan Guuleed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee Jamhuuriyadda Somaliland
7 In Mudane, Cabdikariim Axmed Mooge, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta ee Jamhuuriyadda Somaliland
8 In Mudane, Cali Axmed Maxamed (Dhegoole), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warshadaha ee Jamhuuriyadda Somaliland
9 In Mudane, Cali Maxamed Cilmi (Gadh-dheer), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee Jamhuuriyadda Somaliland
10 In Mudane, Cabdiwaaxid Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Somaliland
11 In Marwo, Shukri Xariir Ismaaciil, ay ahaato Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka ee Jamhuuriyadda Somaliland
12 In Mudane, Yuusuf Cismaan Garas, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Somaliland
13 In Mudane, Cabdirashiid Xuseen Cabdille (Carab), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka ee Jamhuuriyadda Somaliland
14 In Marwo, Nimco Xuseen Qawdhan, laga bilaabo taariikhda maanta ay ahaato Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dib-u-dejinta ee Jamhuuriyadda Somaliland
15 In Mudane, Siciid Cabdi Maxamuud Jaamac, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Duulista Hawada ee Jamhuuriyadda Somaliland
16 In Mudane, Jaamac Cabdilaahi Biin, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Somaliland
17 In Mudane, Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Jamhuuriyadda Somaliland
18 In Mudane, Axmed Nuur Aw Cabdi Shaacir, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda ee Jamhuuriyadda Somaliland
19 In Mudane, Rashiid Ismaaciil Kaahin, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland
20 In Mudane, Cumar Sheekh Maxamed Faarax, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee Jamhuuriyadda Somaliland

 

 

  LIISKA TALIYEYAASHA CIIDADAMADA $ AGAASIMEYAASHA GUUD
1 In General Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Taliyaha Ciidanka Badda ee Jamhuuriyadda Somaliland (Hore Taliyaha Asluubta)
2 In General Maxamed Cismaan Xudhuun, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Taliyaha Ciidanka Asluubta ee Jamhuuriyadda Somaliland
3 In Mudane, Cabdi Xirsi Ducaale, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Abbaanduulaha Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland
4 In Mudane, Mawliid Weris Cabdillaahi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warshadaha ee JSL
5 In Mudane, Maxamed Faarax Xirsi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Somaliland
6 In Mudane, Cabdi Axmed Nuur (Cabdi Gurey), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Jamhuuriyadda Somaliland
7 In Mudane, Xasan Aadan Geedi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Jamhuuriyadda Somaliland
8 In Mudane, Maxamed Cilmi Xuseen, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga ee Jamhuuriyadda Somaliland

 

  LIISKA HAY’ADAHA MADAXA BANAAN
1 In Mudane, Maxamed Mixiile Boqore, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Jamhuuriyadda Somaliland
2 In Mudane, Siciid Xasan Cabdilaahi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Hay’adda Xidhiidhinta Raashinka (FCA) ee JSL

 

  LIISKA LA-TALIYEYAASHA MADAXWEYNAHA JSL
1 In Mudane, Cabdoo Axmed Aayir, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dibedda
2 In Mudane, Maxamed Ibraahim Qabo, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Xisbiyada iyo Doorashooyinka

 

Xilka Qaadista Masuuliyiintii Hore

Ujeedo:   Xil-ka Qaadis

 

Mudaneyaal,

Waxaan aad iduunku mahadinayaa mudadii aynu wada shaqaynaynay. Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.

Sidaa darteed, waxaan gartay in aan idinka qaado xilalkii aad qaranka u hayseen.

Haddaba, waxaan idinka rajaynayaa inaad si niyad sami ah ugu wareejisaan xilalkii aad qaranka u hayseen , masuuliyiinta aan xilalkaa u soo igmaday.

  LIISKA XILKA QAADISTA
1 Ku:      Mudane, Maxamuud Axmed Barre (Garaad), Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada
2 Ku:      Mudane, Xuseen Axmed Cabdille, Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Biyaha    
3 Ku: Cabdiraxmaan Jaamac Cabdalle, Wasiiru-dawlihii hore ee W/Xanaanada Xoolaha JSL
4 Ku:      General, Axmed Aw Cismaan Cabdi, Taliyihii Hore ee Ciidanka Ilaalada Badda JSL
5 Ku:      Mudane, Cabdilaahi X. Jaamac Calas, Abbaanduulihii Hore ee Ciidanka Qaranka JSL
6 Ku:      Mudane, Maxamed Muuse X. Cabdi (Galaydh), Agaasimihii Hore ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada
   
7 Ku:      Mudane, Nuux Sh. Muuse Ducaale, Guddoomiyihii Hore ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda

 

ALLAA MAHAD LEH
Naasir Yuusuf Daahir

Xoghayaha gaarka ah ee Xafiiska Saxaafada  Madaxtooyada JSL.