Madaxweyne Siilaanyo oo isku Shaandheeyey Xukuumaddiisa, Xubno Cusub oo uu ku soo daray iyo Cabdicasiis Samaale oo Mansabkii Shirguddoonka Wakiillada u sadqeeyay Xil Wasiirnimo

Madaxweynaha Somaliland

Hargeysa, 14 March, 2012 (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu isku bedel shaqo, Xilka qaadis iyo Magacaabid ku sameeyey xubno ka mida Golaha Wasiiradda, Wasiir ku-xigeenada iyo Hay’adaha Dawladda qaar kamida.

Warsaxaafadeedkan oo uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland C.laahi Maxamed Daahir “Cukuse”  ayaa u dhignaa sidan:

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:             Qodobka 90aad, faqradiisa (2)aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,

Markuu Tixgeliyey:   Ahmiyadda weyn ee ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka,

Markuu Arkay:             In baahi loo qabo buuxinta jagooyinkan hoos ku xusan,

Markuu Ka Fiirsaday:           Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo,

Markuu ku Qancay:   In ay hanan karaan xilalka loo magacaabay.

Waxa uu Xilalkii ay qaranka u hayeen ka qaaday Wasiiro, Wasiiro ku xigeeno iyo Madaxda Hay’adaha Madaxa banaan qaarkood, isal markaana Madaxweynuhu waxa uu Xilalkaa ay baneeyeena u magacaabay Masuuliyiin Cusub oo kala ah:-

NO

Magac-yada Masuuliyiinta Cusub

Magacaabidda

Wasaaradda loo magacaabay

1 Cabdicasiis Maxamed Samaale  (oo ahaa Gudoomiye ku Xigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada ) Waxa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Maaliyada
2 Axmed Cabdi Xaabsade

(Hore u ahaa Wasiirka War-faafinta)

Waxa loo magacaabay Wasiirka  W/Hawlaha Guud iyo Gaadiidka
3 Cabdi yuusuf Ducaale (Boobe) Waxa loo magacaabay Wasiirka W/Warfaafinta
4 Cali Siciid Raygal

(Hore u ahaa Maareeyaha Madbacada Qaranka)

Waxa loo magacaabay Wasiirka W/Cayaaraha, Dhalinyarada iyo Dhaqanka
5 Maxamuud Axmed Barre (Garaad) Waxa loo magacaabay Wasiirka W/Shaqadda iyo Arrimaha Bulshada
6

Cabdilaahi Abokor Cismaan      (Xil Cusub)

Waxa loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Daakhiliga ee dhinaca Amniga, halka Wasiir ku-xigeenkii hore uu ahaan doono Wasiir ku-xigeenka Arrimaha  Maamulka  ee W. Arrimaha Gudaha
7 Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Cadaani) Waxa loo magacaabay Wasiiru-Dawle Cusub W-Maaliyada ah
8 Mawliid Maxamuud Ibraahim Waxa loo magacaabay Wasiir ku- Xigeenka W/Arrimaha Dibadda
9 Nuux Sheekh Muuse Ducaale Waxa loo magacaabay Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha
10 Maxamed Cumar Cabdilaahi Waxa loo magacaabay Gudoomiye ku-xigeenka Hay’adda Shaqaalaha
11 Mudane Axmed Xuseen Oomane Waxa loo magacaabay Wakiilka Somaliland u fadhiya Dalka South Sudan

 

Warsaxaafadeedkan Waxaa lagu sheegay oo kale in Madaxweynuhu isagoo ixtiraam u haya ugana mahad-naqaya mudadii ay xilkaa soo hayeen balse sunaha dawladnimo ay ku jirto xilka qaadista iyo Magacaabistuba isla markaana xilku yahay Meerto waxa uu xilalkii ay hayeen ka qaaday Masuuliyiintan:-

No

Magaca Mudanaha Xilka laga qaaday Xilka uu hayey

1

Eng. Maxamed Xaashi Cilmi Wasiirkii  W/ Maaliyadda

2

Prof. Ismaacil Muumin Aar Wasiirkii W/Hawlaha Guud iyo Gaadiidka

3

Ilhaan Maxamed Jaamac Wasiirkii  W/Shaqadda iyo Arrimaha Bulshada

4

Dr. Axmed Xaashi OdayMadaxweynuhu waxa uu faray Masuulkan in uu xilka wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta ku wareejiyo Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horu-marinta oo si ku meel gaadha u sii hayn-doona inta Masuul Cusub loo soo magacaabayo xilka Wasaaradda Wasiirkii W/Boosaha iyo Isgaadhsiinta

5

Cabdi Siciid Faahiye Wasiirkii  W/Cayaaraha ,Dhalinyarada iyo Dhaqanka

6

Warsame Siciid Cabdi Wasiir ku-Xigeenkii W/ Maaliyadda

7

Maxamed Yoonis Cawaale Wasiir ku-Xigeenkii W/Arrimaha Dibadda

8

Muxumud Aw Cabdi Ismaaciil Gudoomiyihii Hay’ada Shaqaalaha (Civil Service commission)

9

Axmed Cali Xirsi (Sulub) Deputy: ku-xigeenka Gudoomiyaha Hay’adda shaqalaha

Si kastaba ha ahaatee, isku shaan-dhaantayn ayaa xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo la tacaalayso eedaymo Musuq-maasuq iyo xaalado cakiran oo ka taagan gobollada Bari ee dalka Qaarkood iyada oo madaxweynaha laga filayey inuu soo kordhiyo xilal cusub oo dheelli-tir u noqda tabashada shacbiga gobollada Bari qaarkood.

Sidoo kale, Xulashada madaxweynaha ee qaar ka mid ah xubanaha golaha wakiillada ayey dad badan  u arkaan inuu ku wiiqayo sharci-dejinta dalka ka dib markii uu mid ka mid ah shir-guddoonkii Golaha wakiillada ka fadhataysay iyada oo maanka llagu hayo in guddoomiyaha golaha wakiillada uu hore u furtay urur-siyaasadeed Cusub oo dadka qaarkood shaki badan ka muujiyeen inuu u xaglinayo dhanka Xukuumadda. Sidoo kale, waxa hore loo ogaa magacaabistii wasiirka Arrimaha Gudaha oo ka soo jeeda xildhibaannada xisbiga Mucaaradka ah ee UDUB kaga jira golaha Wakiillada.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net