Madaxweyne Siilaanyo oo isbeddel ku sameeyey qaar ka mid ah wasaaradaha oo uu ka hoos saaray Waaxyo maamul ahaan ka tirsanaa

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa isbeddel ku sameeyey qaar ka mid ah Wasaaradaha xukuumadda oo uu hoos geeyey wasaarado kale.

Sida lagu sheegay warsaaxafadeed Caawa ka soo baxay xafiiska afhayeenka Madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul, madaxweynuhu waxa uu qaar ka mid ah wasaaradaha dalka ka hoos saaray waaxyo maamul ahaan hoos imanayey, kuwaas oo isbeddel ku samaynaya magacyadii awal loo yaqaanay wasaaradahaas.

Warsaxaafadeed oo dhammaystiran ayaa u dhignaa sidan:

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu xeer madaxweyne oo sumadiisu tahay JSL/M/XERM/249-1368/102012 oo uu soo saaray caawa uu ku cadeeyey saddex waaxood oo ka kala tirsanaa saddex wasaaradood, haatana laga bedelay oo wasaarado kale la hoos geeyey.

Madaxweynuhu:-

Markuu arkay;  Qodobka 90aad fagradiisa 3aad, xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,

Markuu arkay;  In baahi weyn loo qabo dardargelinta,  maamulka iyo hawlaha horumarineed ee Hay’addaha iyo Wasaaraddaha Dalka,

Markuu tixgeliyey;        Talooyinkii Mas’uuliyiinta kala duwan,

Wuxuu soo saaray Xeerkan

1.         Hay’adda sama-falka Madaxtooyadda waxaa la-hoosgeeyey Wasaaradda Dib-u-dejinta.

2.      Waaxda Dalxiiska oo hore uga tirsanayd Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, waxaa la-hoosgeeyey Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha oo iminka wixii ka dambeeya loogu yeedhayo Wasaaradda   Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska.

3.      Waaxda Dhaqanka oo hore uga tirsanayd Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha , waxaa la-hoosgeeyey Wasaaradda Warfaafinta iyo wacyi Gelinta oo iminka wixii ka dambeeya loogu yeedhi doono Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka iyo  Wacyigelinta”

SOMALILANDPOST.NET