Madaxweyne Siilaanyo oo Hambalyo u diray Ciidanka Qaranka Munaasibadda sannad-guurada 19aad ee Aasaaska Ciidanka awgeed

Hargeysa, 02 February, 2012 (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray dhammaan ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland xaasaskooda iyo carruurtooda Munaasibadda sannad-guurada 19aad eek a soo wareegay markii la aasaasay ciidanka Qaanka.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska afhayeenka madaxtooyada Cabdilaahi Daahir (Cukuse), madaxweynuhu waxa uu Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland illaahay uga baryay inuu ku guuleeyo xilka Culus ee ay dadkooda iyo Dalkooda u hayaan, Shacbiga Reer Somaliland-na waxa uu ugu baaqay in ay Ciidamadooda la garab istaagaan Muruq, Maal iyo Maskax.

Ugu dambayntii waxa uu Madaxweynuhu illaahay uga baryay inuu Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland sannadka soo socda ku gaadhsiiyo Horumar, Bash-bash iyo Barwaaq.

SOMALILANDPOST NEWS

webmaster@somalilandpost.net