Madaxweyne Siilaanyo Oo Guddi Jaangoysa u magacaabay mashruuca Biyo-ballaadhinta Hargeysa

Hargaysa(SLpost):-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa guddi sare (Board Of Directors) u magacaabay wakaaladda biyaha Hargeysa. Guddida oo ka kooban 9 xubnood oo ay ka dhexmuuqdaan aqoon yahan Ay ka mid tahay Edna Aadan iyo culimo aw-diin uu ka mid yahay Sheekh Maxamed Cali Gadhle.

Ggudidan ayaa la xisaabtami doona maareeyaha Wakaaladda biyaha Hargeysa isla markaasna jaangoyndoona qorsheyaasha mashruuca biyo-balaadhinta Hargeysa, sida lagu sheegay warsaxaafadeed lagu shaaciyey digreeto madaxweyne Siilaanyo u magacaabay guddigan.

11219627_10153139091112469_8920587571904536915_n