Madaxweyne Siilaanyo oo Guddoomiye u magacaabay gobolka Cusub ee Xaysimo

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa maanta Guddoomiye u magacaabay Gobolka Cusub ee Xaysimo oo madaxweynuhu dhowaan ku soo kordhiyey 12-kii gobo lee hore u jiray.

Gobolka Xaysimo oo Caasimaddiisu tahay magaalada Taleex oo hore uga tirsanaan jirtay gobolka Sool, ayaa madaxweynuhu magacaabay horaantii bisha June ee sannadkan, waxaanu xuduud la leeyahay maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

siilaanyoMd Axmed Siilaanyo waxa uu guddoomiyaha gobolka Xaysimo u magacaabay inuu noqday Md Cabdirashiid Maxamed Axmed (Xiir), sida lagu sheegay war-saxaafadeed xambaarsan digreeto madaxweynuhu ku magacaabay masuulkan oo maanta ka soo baxay xafiiska Afhayeenka madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul.

Magaalada Taleex ee xarunta u ah gobolka Xaysimo, ayaa ciidamada Qaranka Somaliland labada bilood ka hor ka saareen kooxda Nabad-diidka ee Khaatumo oo xarun ka dhigatay, ka dib markii ay bulshada deegaanku tabasho ka muujiyeen tacaddiyo ka dhan xuquuqda bani’aadamka oo malleeshiyo beeleed ka tirsan kooxdaasi u geysteen shacabka ku dhaqan magaalada.

Sidoo kale, waxa magaalada gudaheeda ku dagaalamay malleeshiyo-beeleedka Kooxda la baxday Khaatumo iyo ciidamo ka tirsan maamul-goboleedka Puntland, ka dib markii madaxweyne ku-xigeenka maamul-goboleedka oo deegaan ahaan u dhashay degmada Taleex uu ciidamo ku soo hoggaamiyey magaaladaas, halkaasna dagaal ku dhexmaray malleeshiyaadka Kooxda Khaatumo, isla markaana lagu dhex-dagaalamay gudaha magaalada, iyada oo aan loo kala aabo-yeelin maatidii iyo shacabkii ku dhaqnaa magaalada.

Gobolka Xaysimo oo noqonaya gobolka 13-aad ee Somaliland, magacyada gobollada kale ee dalka ayaa kala ah; Awdal, Badhan, Buuhoodle, Gabiley, Hawd, Maroodi-jeex, Oodweyne, Saaxil, Salal, Sanaag, Saraar iyo Sool.

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net