Madaxweyne Siilaanyo oo Guddoomiye ku-xigeenka Wakiillada ku wareejiyey Mulkiyadda Guri Dawladdu leedahay (AKHRISO WARAAQDA)

HARGEYSA (SLpost)- Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Siilaanyo, ayaa guri dawladdu leedahay mulkiyaddiisa ku wareejiyay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Md Baashe Maxamed Faarax.

Nuqul ka mid ah Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxwaynaha Somaliland oo muujinaysa go’aanka madaxweynaha, waxa uu Md Siilaanyo ku socodsiiyey wareegtadiisa Wasiirka Hawlaha guud, Gaadiidka iyo Guriyeynta Cabdirisaaq Khaliif oo uu faray inuu Guddoomiye Baashe mulkiyaddiisa ku wareejiyo guri dawladdu leedahay.

Wareegtada madaxweynuhu wasiirkiisa ku faray inuu Mulkiyadda Guriga ku wareejiyo Guddoomiye Baashe Maxamed Faarax oo ku taariikhaysan 30kii bishii September ee Sanadkii 2013kii, ayaa muujinaysa in gurigaasi dawladeed lagu wareejiyay Gudoomiye ku xigeenka Golaha wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax.

Siilaanyo