Madaxweyne Siilaanyo Oo Guddoomiye Cusub U Magacaabay Maxkamadda Sare

Hargeysa, (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland ayaa digreeto madaxweyne ku magacaabay guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka.Prof.-Aadan-Xaaji-Cali

War-saxaafaddeed kasoo baxay xarunta madaxtooyada isla markaana uu ku saxeexan yahay ku-simaha af-hayeenka madaxweynaha Naasir Yuusuf Daahir ayaa u qornaa sidan:-

Date: – 24 /05 /2015

WAR-SAXAAFADEED

 

 

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3319/052015  uu ku magacaabay Gudoomiyaha Maxkamada sare ee Somaliland u fadhiya dalka Ethiopia.

 

Madaxweynuhu:-

 

Markuu Arkay:                     Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:                     Qodobka 97aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:                     Qodobka 101aad iyo 105aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:            Talada iyo soo jeedinta Guddida Cadaaladda;

Markuu Aqoonsaday:       Baahida weyn ee loo qabo buuxinta jagada Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Qaranka;

Markuu ku Qancay:                       Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu Isku Qanciyey:     In uu hanan karo xilka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Qaranka;

Wuxuu Go’aansaday

In Mudane, Aadan Xaaji Cali Axmed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH

 

Naasir Yuusuf Daahir

Xoghayaha gaarka ah ee Xafiiska Saxaafada Madaxtooyada JSL,

ahna ku simaha af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

 

Â