Madaxweyne Siilaanyo oo gaashaanka ku dhuftay eedaymo musuqmaasuq oo Xukuumaddiisa loo jeediyey

Hargeysa, 18 February 2012 (SLpopst)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa markii ugu horeysay ka hadlay musuqmaasuq uu  ku xukuumaddiisa  u jeediyay Guddoomiye Ku-xigeenka Xisbiga talada haya ee KULMIYE Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, waxaanu isku difaacay inuu ku kalsoon yahay Wasiirradiisa isla markaaan ay dalka ka jiraan hay’ado u xilsaaran daba-galka arrimahan oo kale.

Madaxweynaha oo ka jawaabaya su’aal laga weydiiyey si uu u arka eedaymaha musuq-maasuq ee xukuumaddiisa loo jeediyey iyo in xukuumaddiisu tahay tii ugu musuq badneyd waxa uu yidhi, “Dawladdayda musuqmaasuq kama jiro ayaan leeyahay oo waxaan ogahay kama jiro, musuqmaasuqu waa mid aanu la dagaallamayno Hay’ado badan ayaannu u samaynay musuqmaasuqa la dagaallankiisa oo ay ka mid tahay Hay’adda maamul-wanaagga iyo la dagaallanka musuqmaasuqa iyo Hanti-dhawrkii ayaa jira, had iyo goor qaran walba wuu ka soo baxaa dad ama ashqaas markii wixii ay doonayeen iyo danahoodii ay waayeen ku aflagaaddooda masuuliyiinta dawladda ayaa iska jira. Waxaasna samir, adkaysi iyo dulqaad aannu ku qaadno waannu leenahay,”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) mar uu maanta war-fidiyeennada ugu warramayey madaarka caasimadda Hargeysa oo uu maanta ka dhoofay.

Madaxweynuhu waxa uu hadalkiisii sii raaciyey, “Haddii meel musuqmaasuq yimaado dadku waa bani’aadami waxa walba macsuun kama ahaa, haddii ay timaado hay’addo qaranbaa jira oo loo sameeyey  oo lagu talo-galay inay musuqmaasuqa baadhan oo ay warkeeda keenaan hay’addahaasina way badan yihiin oo waxa jira hay’add musuqmaasuq oo aanu abuurnay oo odhodkii ayaa jira oo waxaasi wixii loo baahdo ayay baadhanayaan oo way eegayaan haddii musuqmaasuq jiro oo iyaga ayaa soo saarayaa”.

SOMALILANDPOST NEWS

webmaster@somalilandpost.net