Madaxweyne Siilaanyo oo Diyaarad ku tagay Berbera, furayna Mashruuc dawladda Kuwait ka hirgelisay Madaarka magaalada

Berbera (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa maanta Xadhigga ka jaray Qayb Cusub oo lagu kordhiyey Madaarka Caalamiga ah ee magaalada Bebrera, kaas oo loogu magac-daray dawladda Kuwait oo dhaqaalaha ku baxay ka caawisay Somaliland.

Madaxweyne Siilaanyo oo ay weheliyaan Wasiirro ka tirsan Xukuumaddiisa, ayaa diyaarad khaas ah ku tagay magaalada Berbera, waxaana madaarka ku qaabilay masuuliyiinta heer gobol iyo Wasiirka Wasaarada Duulista iyo Hawada Maxamuud Xaashi CabdI.

DSC_0189Munaasibad ballaadhan oo gudaha Madaarka Berbera loogu qabtay furista Terminalka Cusub, waxa ka hadlay Madaxweynaha Somaliland iyo Wasiirka duulista iyo Hawada Maxamuud Xaashi Cabdi oo sharraxay dedaalkii loo soo maray hirgelinta dhismaha iyo qurxinta madaarka Berbera

HALKAN KA DHEGAYSO HADALKA MADAXWEYNAHA IYO WASIIRKA