Madaxweyne Siilaanyo oo Dhaqan-geliyey Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha

siilaanyoHargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa digreeto uu maanta soo saaray ku dhaqan-geliyey Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha oo dhowaan Golaha Wakiilladu u gudbiyeen ka dib wax-ka-beddel iyo kaabis lagu sameeyey.

War-saxaafadeed lagu shaaciyey digreetada madaxweynuhu ku dhaqan-geliyey Xeerkan, ayaa u dhignaa sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu xeer madaxweyne oo sumadiisu tahay JSL/M/WM/240-2867/122014 ku meelmariyey, Dhaqan-galka Wax-ka-bedelka iyo Kaabista Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyayaasha Xeer Lr. 37/2007.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay: Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay: Go’aanka Golaha Wakiillada Go’aan Lr. GW/G/KF-27642/2014 ee

ku taariikhaysan 06/12/2014 ee ay ku ansixiyeen Wax-ka-bedelka iyo Kaabista Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyayaasha Xeer Lr. 37/2007

Wuxuu soo saaray

Xeerkan oo lagu baahinayo Dhaqan-galka Wax-ka-bedelka iyo Kaabista Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyayaasha Xeer Lr. 37/2007.”