Madaxweyne Siilaanyo oo dhaqan-geliyey Dhammaystirka In ka badan Toban Kun oo Ciidamada Somaliland ah oo Muteystay Derejooyin u Dhexeeya Alifle ilaa Sarreeye Gaas

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa xalay soo saaray Xeer madaxweyne oo uu ku dhaqan-geliyey Bixinta hormada labaad ee derejooyinka Ciimada kala duwan ee dalka, taas oo la bixinayo maalinta Ciidal-Fidriga ee dabayaaqada todobaadkan.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul, wejiga labaad ee bixinta derejooyinka ayaa dhammastiraya in ka badan 10,000 oo askari oo lagu taxayo derejooyinka u dhexeeya Alifle ilaa Sarreeya Gaas, kuwaas oo ay weheliso gunno lagu salaynayo dallaacaadda, taas oo kordhinteedu bilaabmi doonta  bisha sagaalaad ee Sannadkan.
“Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waxa uu caawa dhaqan geliyey xeer madaxweyne oo sumadiisu tahay JSL/M/XERM/249-1948/082013 oo ku salaysan bixinta Derejooyinka Ciidamada kala duwan ee qaranka Jamhuuriyada Somaliland.   
madaxweyne SiilaanyoMadaxweynuhu
Markuu Arkay:  Qodobka 90aad, Faqradiisa 4aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay:  In ay lagama maarmaan tahay in Dhamaan Ciidamada Qaranka la siiyo Derajooyin ay mutaysteen;
Markuu Tixgeliyey:  Magacaabidii Guddida Hirgelinta Derajo-bixinta iyo talo bixintoodii;
Markuu Tixgeliyey:  Talo soo jeedintii Guddida Nabad-gelyada Qaranka ee Derajo Bixinta khusaysa;
Markuu Garwaaqsaday: Xilka naf-huridda iyo heeganka joogtaysan ee Qarankan u hayaan;
Markuu Ku-qancay: In bixinta derajada Ciidamadu ay kor u qaadi doonto Milgaha iyo Sharafta Ciidamadeena iyo Haybadda Dawladnimo;
WUXUU GO’AANSADAY
Dhamaystirka Derajada Ciidamada kala duwan ee Qaran in ka badan 10,000 oo Askari oo u dallacay derajooyin kala duwan ee u dhexeeya Alifle ilaa Sareeye-Gaas, isla markaana Madaxweynuhu wuxuu go’aamiyey in Dhamaan Ciidamada loo kordhiyo Gunno Derajo iyadoo lagu salaynayo Derajada iyo dallacaada kala duwan, korodhka Gunnada Derajada oo ka bilaabmaya September 2013. Waxaa la farayaa Taliyeyaasha Ciidamada kala duwan in derajooyinka si rasmi ah loo bixiyo munaasabadda Ciidal-Fidriga.”

SOMALILANDPOST.INFO