Madaxweyne Siilaanyo oo Dhakhtarka Ku Bookhday Siyaasi Iskeerse

Hargeysa(SLpost) – Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa maanta Cisbitaalka Hargeysa ku booqday Oday Maxamed Cabdi Iskeerse Oo xaalad caafimaad dhakhtarka loo dhigay, shallayna ka qaybqaatay shirkii golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye.

 

Sidoo kale Madaxweynuhuwaxa uu soo booqday qaar ka mida bukaan-jiifka Cisbitaalka yaala. Madaxweynaha waxa wehelinayey Marwada Koowaad Aamina Maxamed Jirde. Madaxweyne ku xigeen ka Qaranka Cabdiraxmaan Saylici, Wasiirka arrimaha gudaha Cali Maxamed Warancadde, Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi, , wasiirka warfaafinta Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse, Gudoomiyaha KULMIYE Md Muuse Biixi Cabdi iyo masuuliyii kale.

Iskeerse2
Oday Iskeerse oo ka mid ah ruug caddaaga Kulmiye, wuxuu shalay ka soo qayb galay shirka golaha dhexe isagoo xanuunsan  laguna wado gaadhi gacan, islamarkaana neefta artafiishalka la daba sido, arrintaasi oo muujinaysa siday uga dhab tahay kulmiyanimadu isaga oo dhawaanna ku dhawaaqayn in aannu wax xil ah rabbin laakiin uu yahay uun mudane ka tirsan xisbiga Kulmiye.

 

 

Iskeerse3 Iskeerse1