Madaxweyne Siilaanyo oo dhagax-dhigay Wejiga Labaad ee Dhismaha Waddada Laamiga ah ee Isku-xidha Hargeysa iyo Berbera (DAAWO)

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta dhagax-dhigay wejiga labaad ee Waddada Laamiga ah ee Isku xidha magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera, kaas oo ka bilaabmaya deegaanka Xamaas oo Masaafo dhan 40 KM dhinaca Galbeed ka xigta magaalada Berbera.

DSC_0824Madaxweynuhu waxa uu dhaga-dhigay dib-u-dhis lagu samaynayo Jidka laamiga ah ee isku xidha magaalooyinka Berbera iyo Hargeysa, taas oo kharashka ku baxaya laga maalin-gelinayo sanduuqa Horumarinta Somaliland (Somaliland Development Fund) oo ay gacan ka geystaan waddamada Midowga Yurub.

Madaxweyne Siilaanyo oo ay wehelinayaan Wasiirro ka tirsan Xukuumaddiisa, Xildhibaanno iyo Masuuliyiin kale, ayaa gaadhay deegaanka Xamaas, halkaas oo dadweyne tirabadani si diirran ugu soo dhaweeyeen ka hor intii aanu dhagax-dhigin dhismaha wejiga labaad ee Waddada laamiga ah ee Isku xidha Hargeysa iyo Berbera oo burbur ballaadhan ku yimi isla markaana sababi jirtay shilal badan oo dad badan ku dhinteen, hanti badanna ku baaba’day.

Waxa kale oo madaxweynuhu Xadhigga ka jaray Wejiga koowaad ee Dhismaha Waddamada isku xidha Hargeysa iyo Berbera oo la dhammaystiray.