Madaxweyne Siilaanyo Oo Dawladda Jabuuti Ku Hambalyeeyay Maalintooda Xornimadda

HAMBALYO MADAXWEYNE

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, isaga oo ku hadlaya magaciisa iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu Dhambaal hambalyo ah u dirayaa Dawladda aynu jaarka iyo walaalaha dhaw nahay ee Jamhuuriyada Jabuuti oo ay maanta ku beegan tahay Xuska Sanad Guuradii 38aad ee ka soo wareegtay Markii ay Xornimada ka qaateen Gumaystihii Faransiiska (France) 27June-1977kii.

Madaxweynuhu waxa uu ku bogaadinayaa Dawladda Jabuuti ee uu Madaxweynaha ka yahay Mudane Ismaaciil Cumar Geelle horumarka ay ku talaabsadeen Xukuumadiisa iyo shacbigiisuba mudadaasi ay madaxa banaanida haysteen.

waxaanu Madaxweynuhu xusay xidhiidhka qotada dheer ee labada dalka ka dhexeeya oo ah mid walaaltinimo, iskaashi, iyo isfahan ku qotoma iyo dedaalka labada dhinac ugu jiraan guud ahaan adkaynta nabad gelyada iyo xasillooni Geeska Afrika.

Madaxweynuhu waxa uu mar labaad ku hambalyaynayaa shacbiga iyo Dawlada Jabuuti xornimada iyo horumarka 38 jirsaday ee ay ku naaloonayaan maanta, isagoo u rajeynaya inay sanadkan kiisa ku gaadhaan wadajir iyo horumar.”

 

ALLAA MAHAD LEH

 

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)

    Af-hayeenka Madaxtooyada JSL