Madaxweyne Siilaanyo Oo Dalka Kusoo Laabtay, Kana Hadlay Kulan Uu La Yeeshay Ra’iisal Wasaare Desalegn

????????????????????????????????????

Hargeysa, (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftigii uu hogaaminayey ee safarka ugu baxay dalka Itoobiya maalintii Axadii ayaa maanta oo Salaasa ah ku soo laabtay Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

Weftiga Madaxweynaha ayaa 11:00 Am duhurimo ee maanta ka soo degay garoonka Egal International Airport, waxaana halkaasi ku soo dhaweeyey madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici, Gudoomiyaha Golaha Guurtida Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, Gudoomiyaha Xisbi Xaakimka Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, Gudoomiye ku-xigeenka koowaad ee Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed, Salaadiin, Xildhibaanno iyo Masuuliyiin kale oo xukuumadda ka tirsan.

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

Madaxweynaha ayaa salaan sharaf ka qaatay Cutubyo ka socday Ciidanka Qaranka Somaliland, ka dibna waxa uu madaxweynuhu u soo gudbay qolka martida oo uu saxaafada kula hadlay ugana warbixiyey kulan uu la yeeshay Ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn.
HALKAN KA DHEGAYSO HADALKA MADAXWEYNAHA:-