Madaxweyne Siilaanyo oo Cafis u Fidiyey Xildhibaanno Fal-dambiyeed Qaranimada liddi ku ah u xidhnaa

Madaxweyne Siilaanyo oo Kalsooni ka Muujiyey inuu Mar labaad Hanan Karo Hoggaaminta talada dalkaHargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo), ayaa cafis u fidiyey laba xildhibaan oo ka tirsan golaha deegaanka Hargeysa kuwaas oo muddo todobaaddo ah u xidhnaa fal-dambiyeed ammaanka ka dhan ah oo lagu eedeyey.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed caawa ka soo baxay xafiiska afhayeenka madaxtooyada, madaxweyne Siilaanyo waxa uu cafis u fidiyey Xildhibaan Xasan Muxumed Cumar iyo iyo Xildhibaan Ibraahin Axmed Liibaan oo ka tirsan golaha deegaanka Boorama, kuwaas oo ciidamada ammaanka ka qab-qabteen magaaladaas iyaga oo gacmaha kula jira falal la xidhiidha kicin dadweyne iyaga oo shir-jaraa’id oo ay qabteen magaaladaas ku sheegay inaanay bulshada reer Awdal ka sii mid ahaan doonin Somaliland.

Sida war-saxaafadeedka lagu sheegay, madaxweynuhu waxa uu labada xildhibaan ka aqbalay cafis ay waydiisteen. “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahayJSL/M/XERM/249-2911/012015, uu cafis ugu fidiyey laba xildhibaan oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Boorama.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Xubintiisa 5aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:   Qodobka 149aad ee Xeerka Ciqaabta Guud;

Markuu Tixgeliyey:   Codsiga Cafiska ah ee Xildhibaanada halkan ku lifaaqan.

Wuxuu Go’aamiyey   In uu cafis gaar ahaaneed u fidiyo maxaabiista Xildhibaan Xasan Muxumed Cumar iyo iyo Xildhibaan Ibraahin Axmed Liibaan oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Boorama” Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka.

Waxa dhawaan cafis lagu sii daayey koox dhalinyaro ah oo magaalada Boorama mar laga soo wada-qabtay labada xildhibaan, kuwaas oo muddo dhowr todobaad ah ku xidhnaa Xabsiga Mandheera. Xildhibaannada iyo dhalinayarada cafiska loo fidiyey, ayaa taageero u muujiyey Suldaan Abibakar Wabar oo ku dhawaaqay in shacabka gobolka Awdal aanay ka sii mid ahaan doonin Somaliland.