Madaxweyne Siilaanyo oo Bulshada ku Booriyey inay Meel uga soo jeestaan Dadka Caqabadda ku ah Horumarka Dalka iyo Xukuumaddiisa

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa mar kale kaga dhawaajiyey inay xukuumaddiisu diyaar u tahay fulinta masuuliyadda Qaran ee Shacabku u igmadeen isla markaana ay sii xoojinayaan wax-qabadyada adeegyada aasaasiga ah ee baahiyaadka bulshada.

Md Axmed Siilaanyo waxa uu shacbiga ugu baaqay in meel looga soo wada-jeesto ilaalinta nabad-gelyada iyo shakhsiyaad aanu carrabaabin oo uu sheegay inaanay ogolayn tallaabooyinka horusocod ah ee dalku hiigsanayo.

Madaxweyne Siilaanyo oo maanta ka hadlayey munaasibad uu xadhigga kaga jaray dib-u-casriyeyn lagu sameeyey madaarka diyaaradaha ee Hargeysa, waxa uu sheegay in dimuqraadiyadda dalka ka jirtaa horseed u tahay horumarka dalka.

MADAXWEYNE SIILAANYO“Waxay Ummaddu masuuliyadda Qaranka noogu dhiibatay inaanu horumarino dhinackasta oo ay tahay iyo weji kasta oo ay leedahay wixii nolosha dadwaynaha saamaynaya. Dalkeenu inta badan waa dalkaas dimuqraadiga ah ee doorashada leh, waana dadkaas wax qabsanaya,  waa dadkaas is dhaliilaya, markaa haddaanu nahay xukuumadda waxaan ku jeedinayaa Caafimaadka, waxbaarashada, waddooyinka iyo wejikasta oo horumarinta qaranku u baahan yahay inaanu halkaas ka sii wadno,” ayuu yidhi madaxweyne Siilaanyo

Madaxweynuhu waxa u baaq u diray shacabka, “Waxa inoo ballan ah Qaran ahaan iyo Ummadd ahaan inaynu meel ka soo wada jeesano. Inta gacanta iyo lugta ina jiidaysa ee aan ogolayn inaynu hore u talaabsano, waa inaynu meel uga soo wada jeesanaa oo aynu nabadda ilaalinaa,” ayuu yidhi.

Md Siilaanyo waxa uu ballan-qaaday, “Waxa halkan laga sheegay waxyaabaha ay qabatay Dawlada Somaliland kuwii ka horeeyay iyo kuwii ka danbeeyay. Waxaanu qabanay ugu danbaynmayaan kuwani,” ayuu madaxweynuhu hadalkiisa raaciyey.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net