Madaxweyne Siilaanyo oo ballan-qaaday inay Xukuumaddiisu kaalin laxaad leh ka geysanayso Dhismaha Jidka Baligubadle/Hargeysa

BALIGUBADLE (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo maanta xadhigga wejiga kowaad ee dhismaha Jid Laami ah oo Isku-xidhaya magaalooyinka Hargeysa iyo Baligubadle, kaas oo la dhammaystiray 5-KM oo ka mid ah waddadan oo madaxweynuhu hore u dhagax-dhigay.

DSC_0656Jidka Baligubadle ilaa Hargeysa oo masaafo ahaan dhan 60KM, taas oo kharashka ku baxaya hawsha dhismaheeda inteeda badan ay iska kaashadeen bulshada deegaanka, ayaa madaxweynuhu xadhigga ka jaray wejigeeda koowaad oo dhan 5KM, waxaanu halkaas ka ballan-qaaday inay xukuumaddu qayb laxaad leh ka qaadan doonto dhammaystirkeeda.

Madaxweyne Siilaanyo oo ay wehelinayeen xubno ka mid ah Golihiisa Wasiirrada, Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, Xildhibaanno, Madax-dhaqameed iyo dadweyne tiro badan oo ka qayb-galay xaflad loo sameeyey xadhig-ka-jarista wejiga koowaad, waxa uu tilmaamay doorkii magaalada Baligubadle oo ah taariikh ah qayb laxaad leh ka soo qaadatay halgankii hubaysnaa ee dalka lagu xoreeyey iyo sida ay u mudan tahay inay sed-bursiimo u hesho dedaallada horumarineed ee dalka ka socda.

“Farxad weynbay ii tahay inaan ka soo qayb-gali xafladdan, Waddada aynu ka hadlayno ee Baligudbadle waa mid taariikhi ah; Baligubadle taariikh weynbay ku leedahay halgankii Somaliland, waa meeshii aanu fadhiyi jirnay, waa meeshii halganka laga maamuli jiray, waxaanan hubaa inay maantana dhismaha dalka iyo horumarintiisa gacan weyn ay ka qaadanayaan,” sidaas ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Haddaanu nahay dawladda Somaliland, waxaanu mar walba diyaar u nahay, inaanu umadda kala qayb-galno oo shacbiga ku dhiirri-gelino inaanu la qabanno, hadday horumarinta waddooyinka tahay, hadday horumarinta tacliinta tahay, hadday horumarinta caafimaadka tahay iyo hadday horumarinta siyaasadda tahayba. Markaa walaalayaal, waxaanu caddaynaynaa oo ballan-qaadaynaa inaanu waddadaas ka qayb-galayno dhismaheeda sidii aanu ballan-qaadnay, gacan-weynna ka geysan doono.”

“Markaa dawladda Somaliland diyaar bay u tahay tallaabo kasta oo umaddu hore ugu marayso, is-gaadhsiinta iyo isku-xidhka umadda, taasay dawlad ugu tahay oo madax ugu tahay oo aanu dhiirrigelinaynaa. Markaa aanu wada-shaqayno oo aynumeel u soo wada-jeesanno,” sidaas ayuu yidhi Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Waxa kale oo munaasibadda ka hadlay masuuliyiin xukuumadda ka tirsan, Madax-dhaqameed, maamulka gobolka iyo degmada Baligudbadka, kuwaas oo dhammaantood ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay horumarinta adeegyada aasaasiga ah ee bulshada iyo is-kaashi maamul ahaan iyo dadweyne ahaanba looga baahan yahay.

DAAWO SAWIRRADA