Madaxweyne Siilaanyo Oo Amar Ku Bixiyay In La Soo Qabto Dablaydii Dishay Taliyihii Booliska Saaxil Tacsina Diray

Hargeysa(Slpost)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo, isagoo ku hadlaaya magaciisa iyo ka shacbiga Somalilandba, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa ciidamada booliska, iyo guud ahaan ciidamada kala duwan ee Qaranka Somaliland, isagoo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid Alle ha u naxariistee Marxuum Gaashaanle Cabdirisaaq Yuusuf Maxamuud (Casayr) oo ahaa Taliyihii qaybta booliska ee Gobolka Saaxil, oo maanta gacan ka xaqdarani ay ku dishay deegaanka Biyooley ee gobolka Saaxil.

 Madaxweynuhu wuxuu si gaara tacsidaa ugu dirayaa qoyskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Marxuumku. Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey inuu waajib qaran gudanayey, isaga iyo ciidankii la socdayba, markii lagu dhagaroobay, waxaanu madaxweynuhu amar ku bixiyey in si degdeg ah gacanta loogu soo dhigo kuwa geystay dilka, meel kasta oo ay galaana lagaga dabatago, sida ugu degdega badana sharciga loo horkeeno.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janatu fardawsa ka waraabiyo qoyskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Cabdiraxmaan Sh. Cilmi Faahiye (Shamax)

      Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

              Naasir Yuusuf Daahir 

Secretary Office Media of the Presidential