Madaxweyne Siilaanyo Muxuu ka yidhi Xuska 54-guurada maalinta Xornimada Somaliland?

Madaxweynaha Somaliland

Madaxwaynaha Somaliland waxa uu shacabka Somaliland u jeediyey in ay foojignaan dheeraad ah u yeeshan ilaalinta nabad- galyadooda iyo difaaca qarankooda.

Hargeysa (SLpost)- Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa ka hadlay xuska munaasibadda 54-guurada ka soo wareegtay maalintii Somaliland xornimada ka qaadatay Guumaystihii Inigiriiska, waxaanu shacabka Somaliland ku hambalyeeyey xuska 26-June oo maanta ku beegan.

Madaxweynaha Somaliland
Madaxweynaha Somaliland

Madaxweynuhu waxa uu xusay inay Shacabka Somaliland ku hungoobeen qiimaha ay maalintani leedahay ka dib midowgii dhicisoobay ee dhexmaray Somaliland iyo Soomaaliya oo uu sheegay in dadweynaha reer Somaliland ku hungoobeen wixii ay kala filayeen, wanaaggii iyo Jacaylkii ay u qabeen umadda Somaliyeedna loogu beddelay dhibatooyinka iyo burbur geyaysiiyey inay aakhirkii go’aan ku gaadheen dib-u-hanashada xoriyaddoodii ka hallowday.

“Khaladkaasi dhacay lixdankii waxaa dib loo saxay 1991-kii markaasi oo guddoon lagu gaadhay qaranimada Somaliland in ay gaarkeeda ay ahaato, lana abuuro dawladnimo dadkeeda u dhigta mustaqbal iyo aayatiin wacan, waxaanay dawlada Somaliland iyo shacabkeeduba u quus goynayaan kuwa quudaraynaya wixii la odhan jiray Soomaaliwayn in aanay waligeed dhici doonin in go’aankooda ay dib uga laabtaan shacabka Somaliland,” Sida waxa yidhi Madaxweynaha Somaliland oo qoraal hambalyo iyo taariikhda maalintani wadato lagu faafiyey war-saxaafadeed kooban oo ka soo baxay Xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu sheegay, “Xaqa go’aan ka gaadhista aayahooda cidna marti ugama aha, Dadaalka ay ku xaqiijinayaan qaranimadooduna waa tii ay ku soo dhiseen nabad-galyadooda, nidaamkooda dawladnimo, oo saldhig adag ay u tahay nidaam dastuur ah oo waajibinaya jidka dawladnimada loo marayo oo ah nidaam dimuqaraadi ah,” ayuu yidhi Madaxweynuhu.

Madaxwaynaha Somaliland waxa ugu dambayntii shacabka Somaliland u jeediyey in ay foojignaan dheeraad ah u yeeshan ilaalinta nabad- galyadooda iyo difaaca qarankooda.

SOMALILANDPOST.NET