Madaxweyne Siilaanyo iyo Weftigiisii oo maanta la Kulmay Raysal- wasaaraha Itoobiya iyo Nuxurka Qodobbo laysla Qaatay + SAWIRRO

Addis Ababa, 07 February, 2012 (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftiga uu hogaaminayo ee ku sugan Dalka Ethiopia ayaa maanta kulan la yeeshay Ra’iisal wasaaraha Dalka Ethiopia Md. Meles Zenawi, waxaanu kulankani ka dhacay Xafiiska Ra’iisal wasaaraha Ethiopia ee Magaalada Addis Ababa.

Sidaa waxa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska afhayeenka madaxtooyada Somaliland, Cabdilaahi Daahir ‘Cukuse’, kaas oo lagu xusay in labada hoggaamiye ay isla qaateen dib-u-eegista arrimo dhowr ah oo ay ugu horreyso iskaashi laga yeesho ilaalinta nabad-gelyada Mandaqadda.

Warsaxaafadeedkaas oo dhammaystiran ayaa u dhignaa sidan:

“Kulankan waxa lagaga wada hadlay arrimo dhawra oo la xidhiidha sidii laysaga kaashan lahaa, sii xoojinta xidhiidhka Nabad-gelyada, Ganacsiga, waxbarashadalabada dal ee Somaliland iyo Ethiopia.

Waxa kale oo ay kawada hadleen sidii dib u qiimayn loogu  samayn lahaa xidhiidhka labada dal ee xaga nabad-gelyada iyo ilaalinta xasiloonida iyadoo fiiro gaar ah la siinayo arrimaha la xidhiidha Amni-darrada ka taagan meelo ka mid ah mandaqadda.

Waxa kale oo ay labada Dawladood isla meel dhigeen  inay si isku mid ah uga soo horjeestaan iskana kaashadaan wixii wiiqaya ee waxyeelo u keeni kara xasiloonida iyo amniga labada dal iyo labada shacbi ee derisnimada iyo walaal-tinimada dheeri ka dhaxayso.

Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaruhu waxa uu midba dhankiisa kalsooni ka muujiyey in ay ku fara adaygi-doonaan kuna faraxsan-yihiin heerka iskaashiga iyo wada shaqaynta labada dal ka dhaxaysa, iyadoo laga duulayo heshiisyadii ay hore u wada saxeexeen.

Weftiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ku wehelinaya Safarka Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Carraale, Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan,  Xog-hayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha JSL Cali Axmed Cali, Danjiraha Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Addis Ababa Mudane Aadan nuux Dhuule, Ku-xigeenka Danjiraha Jamhuuriyadda Somalilanad ee Addis Ababa, Mudane, Ayaanle Salaad Diiriye”

SOMALILADNPOST NEWS

webmaster@somalilandpost.net