Madaxweyne Siilaanyo iyo Weftigiisa oo la kulmay Wasiirrada Arrimaha Debedda William Hague iyo Iskaashiga Caalamiga ah Andrew Mitchell

London, 23 February, 2012 (SLpost)- Madaxwaynaha Jamhuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed (Silaanyo) iyo waftigii uu hogaaminayay ayaa waxa xafiiskiisa ku qaabilay, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Waddanka Ingiriiska, Mudane William Hague.  Kulankaas oo lagaga wada xaajooday xoojinta xidhiidhka labada waddan, khaasatan sidii kor loogu qaadi lahaa xidhiidhka ay Somaliland la leedahay wadamada caalamka.

Dawlada Ingiriisku waxay balanqaadeen inay Somaliland ka caawin doonto sidii kor loogu qaadi lahaa xidhiidhka ay Somaliland la leedahay waddamada caalamka. Wasiirka Ingiriiska waxa kulanka ku wehelinayay dhiniciisa madax sare oo ka socota Wasaarada Arrimaha Dibadda ee Ingiriiska. Wasiirku wuxu uga Mahad-naqay Somaliland ka qayb galka Shirka maanta  dhici doona.

Madaxwaynaha Somaliland, Mudane Ahmed Maxamed (Silaanyo), wuxu dhankiisa uga xog waramay xaalada Somaliland halka ay maanta marayso iyo in Somaliland Ingiriiska uga fadhido taageero dhinaca xidhiidhka caalamiga ah, taasoo kor u qaadaya qadiyada Somaliland, Madaxwaynuhu wuxu uga mahad celiyay dawlada Ingiriiska casuumada ay u fidisay inay Somaliland shirka ka soo qayb gasho.  Madaxwaynaha waxa kulankaa ku weheliyay Dr. Maxamed  Cabdillahi Cumar, Wasiirka Arrimaha Dibada.

Dhanka kale, madaxweynaha Somaliland iyo Weftigiisu waxa uu la kulmay Wasiirka Iskaashiga Caalamiga Iyo Horumarinta ee Waddanka Ingiriiska, Mudane Andrew Mitchell.  Kulankaas oo lagaga wada xaajooday xoojinta xidhiidhka labada waddan, khaasatan sidii kor loogu qaadi lahaa caawimada ay Ingiriisku siiyaan Somaliland. Ingiriisku waxay balanqaadeen inay kor u qaadaan kaalmada ay Somaliland siiyaan. Isagoo Wasiirku xusay in la samayn doono sanduuq kaalmo oo gaar u ah Somaliland. Wasiirka Ingiriiska waxa kulanka ku wehelinayay dhiniciisa madax sare oo ka socota wasaaradiisa.

Madaxwaynaha Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, wuxu dhankiisa uga xog waramay horumarka la taaban karo ee xukuumadiisa u suurto gashay, wuxuna uga mahad celiyay dawlada Ingiriiska kaalmada ay siiso Somaliland.  Madaxwaynaha waxa kulankaa ku weheliyay Dr. Maxamed  Cabdillahi Cumar, Wasiirka Arrimaha Dibada, Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, Dr. Maxamed Rashid Sh. Xassan, Wasiiru-Dawlaha Arrimaha Dibada, iyo Cali Ahmed Cali, Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxwaynaha.

SOMALILANDPOST NEWS

webmaster@somalilandpost.net