Madaxweyne Siilaanyo iyo Wefti uu hoggaaminayo oo Socdaal ugu ambo-baxay Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud iyo Wefti balaadhan oo uu hoggaaminayo ayaa maanta socdaal ugu kicitamay Dalka Isutagga imaaraatka Carabta, iyagoo halkaa kaga qayb geli doona wejigii labaad ee wadahadalada Somaliland ay kula xaajoonayso dalka Somalia oo ay xornimadeeda kala soo noqotay 21 sanadood ka hor. waxaana lagu wadaa inay labadda Madaxweyne kulan yeeshaan maalinta Axadda ee fooda inagu soo haysa.

Madaxweyne Siilaanyo oo madaarka Berbera kula hadlayay warbaahinta ayaa sheegay inuu u socdaalayo dalka Imaaraadka Carabta oo uu kulan kula qaadan doono Madaxweynaha dawladda TFG-da Somalia. waxaanu tilmaamay in wada hadaladani ay daba socdaan shirarkii London lagu qabtay.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay inuu rajaynayo in wada hadaladdan ay ka soo bixi doonto natiijo waxtar u ah masaalixda Somaliland.

Madaxweynaha waxaa socdaalkiisan ku wehelinaya Marwada koowaad ee dalka Somaliland Marwo Aamina Sh Maxamed Jirde, Gudoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee UDUB Ahna Madaxweynahii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin iyo marwadiisa Hudda Barkhad, Gudoomiyaha Xisbiga Talada Haya ee Kulmiye Md. Muuse Biixi Cabdi, Wasiirka Gaashaandhiga Md. Axmed Xaaji Cali Cadami, Afhayeenka Madaxtooyada Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) iyo xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha.

Madaxweynaha iyo weftigiisa oo maanta duhurkii gaadhay Magaalada Berbera ayaa waxaa halkaas si weyn ugu soo dhoweeyay maamulka Gobolka iyo ka degmada oo ay weheliyaan dadweynaha degmadaasi, halka sidoo kalena dhamaan deegaanada u dhexeeya magaalooyinka Hargaysa iyo Berbera ay dadweynahu weftiga madaxweynaha ku qaabilayeen niyad sami ay ku muujinayeen kalsoonidooda ku wajahan siday uga faraxsan yihiin guulaha ay dawlada Somaliland ka gaadhay kulamada iyo wadahadalada socda ee u dhexeeya Somaliland iyo Somalia.

SLpost News/Hargeysa