“Madaxweyne Siilaanyo Iyo Wasiirada Waxaanu Isku Aragnay Imaaraadka, Intaanay Bishani Dhammaan Ayaan Hargeysa Imanayaa”

 

Hargeysa(Slpost)-Siyaasiga caanka ah ee Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa) ayaa sheegay inuu intaanay bishan august  dhammaan imanayo caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Ismaaciil Buubaa, oo isagoo jooga wadanka Qatar, xalay khadka Telefoonka ugu waramay Wargeyska Geeska Afrika, wuxuu sheegay in sannado badan ka dib uu imanayo Hargeysa isagoo ku faraxsan inuu la joogayo dadkiisii, “Dhawaan ayaan Hargeysa imanayaa muddo dheer ayaan lahaa waan imanayaa oo aan kuu sheegayay,  laakiin ugu dambayn intaanay bishani dhammaan ayaan haddii Alle idmo Hargeysa imanayaa.” Ayuu yidhi Ismaaciil Buubaa oo uu Geeska Afrika su’aalay wakhtiga uu Hargeysa imanayo.

Wargeyska Geeska Afrika, wuxuu siyaasiga Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa) weydiiyay bal waxa uu ula imanayo shacabka reer Somaliland iyo aragtida siyaasiga ah ee uu u sido, waxaanu yidhi, “Waxa weeyaan markii horena dan Somaliyed ayaanu aragnay inay haboontahay in laga shaqeeyo oo dawlad dhexe oo hagaasan oo shaqayn karta la sameeyo, waana arrin ilaa SNM markaanu ahayn aragti siyasadeed oo wadaniya noo ahayd oo dadka badankiisu malaha xarfaha SNM ma sii eegaane waxay weeye dhaqdhaqaaqa Wadaniga Somaliyed, taas ayaanu ka duulaynay. Wakhtigan lagu jiro iyadoo aanu in badan ka shaqaynanay dawlad Somaliyed inay hano qaado caqabo badan ayaa horyaala oo maanta aanay ka soobixi karin. Annagoon danta Somaliyed ee guud ahaan ka tagin waxaanu aragnaa sida keliya ee maanta dantu ku jirtaa inay tahay laba dawladood oo walaalo ah oo Soomaaliyeed oo wada shaqeeya oo is kaashada oo kala ah Somaliland iyo Somaliya inay wax ku hagaagi karaan, waayo dawladii Somaliya ee aanu wadnay way shaqayn kari weyday, waxaanay u baahantahay cid gacan qabata kolkaas waxa haboon in dawladda Somaliland la dhiso oo la siiyo awood ay wax kaga qaban karto arrimaha Koonfurta oo ay dawlad wanaagsani ka hano qaado Somaliland taas oo Somalida oo dhan dan weyn ugu jirta.”

Ismaaciil Buubaa, wuxuu si mug leh u sharaxay sida uu aaminsanyahay in ictiraafka Somaliland lagu baadi doono karo oo lagu iibin karo taas oo ah in Somaliland oo la Icitiraafaa ay wanaag iyo degenaansho ku soo kordhinayso gobalka Geeska Afrika, gaar ahaan dhibaatada Somaliya oo ay gacan ka gaysan karto xalinteed, “Waxa meesha taalaa waxa weeyaan dawladda Somaliland markay tidhaahdo ictiraaf ayaanu rabnaa iyadana masuuliyad ayaa laga doonayaa. Somaliland siday ku iibsamaysaa waxa weeyan iyadoo loo arko inay ku soo kordhinayso mandaqada degenaansho iyo horumar, haddiise ay arrintu noqoto iska-horimaad inay keenayso sida Koonfurta Suudaan oo kale, dhibaato ayaa imanaysa. Markaas waa in si degen oo wanaagsan loo dhisaa Somaliland oo ay caalamka tustaa inay waajibaadka ka saaran degenaanshaha mandaqada gudanayso siina xoojinayso degenaanshaha. Somaliland oo dhabarka u ridata xal u raadinta dhibaatada Somaliya waxay keenaysaa aqoonsiga iyo kalsoonida ay dunida uga baahantahay.”

Md. Buubaa, waxa la weydiiyay inuu wax xidhiidh ah la sameeyay dawladda Somaliland, waxaanu sheegay inay Madaxweyne Siilaanyo ku kulmeen wadanka Imaaraadka Carabta, waxaanu yidhi, “Madaxweynaha iyo wasiirada qaarkood waxaanu isku aragnay Imaaraadka Carabta si wanaagsan ayaanan u sheekaysanay, laakiin aragtidayda siyasadeed ilama aha inay qarsoontahay haddii ay tahay Somaliland iyo haddii ay tahay Somaliyaba. Siyaasaduna waxay ka shaqaysaa danaha dadka oo ay ku shaqaysaa, markaas Koonfurta waxay dani ugu jirtaa in dawlad wanaagsan oo la aqoonsayahay ka soo baxdo Somaliland taas oo ka qayb qaadan karta degenaanshaheeda.”

Ismaaciil Buubaa, waxa la weydiiyay inuu diblomaasiyiinta Carabta u bandhigay aragtidiisan cusub ee aqoonsiga Somaliland, waxaanu sheegay inuu wadamo badan kala hadlay arrintan, isagoo xusay in waraysigii uu dhawaan siiyay wargeyska A-Sharq ee ka soo baxa dalka Qatar, uu muujinayo in aragtidiisa ay ka war qabaan wadamada Carbeed, “Waan u bandhigay diblomaasiyiin badan arrintan. Tusaale ahaan waraysigii dhawaan la iga qaaday ee aad [Geeska Afrika] soo turjunteen wuxuu tilmaamayaa oo uu ina tusayaa in aad looga war qabo aragtidaydan oo ay dalal badan oo Khaliijka ah ku faaftay, sababtoo ah waad ogtahay oo wararka uu Wargeysku faafinayaa haddii ay ka soo horjeedo danaha dalkiisa laguma dhiirado in la faafiyo markaas si wanaagsan ayaa loo faafiyay aragtidaas oo looga war qabaa wakhtigan.”

Ugu dambayn Ismaaciil Buubaa, oo la weydiiyay inuu muddo joogi doono magaalada Hargeysa marka uu yimaado iyo inuu wadamo kale safar ku tagi doono, wuxuu sheegay inuu Hargeysa muddo joogi doono laakiin laga yaabo inuu safaro ku tago dalal kale oo dunida ah, gaar ahaan kuwa Carabta.

Xigasho Geeska Afrika