Madaxweyne Siilaanyo iyo Guddoomiye Cirro oo Aragtiyo is-khilaafsan ka Bixiyey Daruuraha siyaasadeed ee Dul-hoganaya Golaha Wakiillada

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa aragtiyo khilaafsan ka bixiyey murannada sharci iyo khilaafka dhinaca awoodaha maamulka ah ee ka dhex-aloosan Golaha Wakillada.

Cirro SiilaanyoMd Axmed Siilaanyo waxa uu sheegay inaanay jirin dagaal siyaasadeed oo xukuumaddu ka dhex waddo Golaha Wakiillada iyo ku-xadgudub sharci oo ay ula badheedheen, balse Guddoomiyaha Wakiillada Cabdiraxmaan-Cirro, ayaa aamisan inay Xukuumaddu farogelin ba’an oo ay shaqadii qaranka ka mashquushay ku hayso Golaha uu Guddoomiyaha ka yahay.

Madaxweyne Siilaanyo oo shalay war-fidiyeennada kula hadlayey garoonka diyaaradaha ee Hargeysa, ka dib socdaal muddo todobaaddo ah qaatay uu dalka dibaddiisa ugu maqnaa, ayaa sheegay in Hawl kasta oo shaqada Golaha Wakiilada gudahooda ku saabsan aanay ahayn mid khusaysa xukuumadda, isla markaana uu sharciga dalku kala xadaynayo hawlaha shaqo ee Golayaasha Qaranka, xukuumad ahaanna ay u hoggaansamayaan xeerarka iyo shuruucda dalka.

Madaxweynaha oo la weydiiyey aragtidii la xidhiidha isbeddelka dhinaca shuruucda iyo hab-maamuuska xeer-hoosaadka Golaha wakiillada ee dhawaan la meel-mariyey, laguna dhimay awoodihii guddoomiye ku-xigeennada Golahaas, waxa uu ku jawaabay, “Taasi waxay u taalaa Golaha baarlamaanka oo golahaasi ayaa ku shuqul leh, wixii ummaddu ka qabtana waynu arki,” ayuu yidhi Md Axmed Siilaanyo.

Mar la weydiiyey waxa uu kaga jawaabayo eedaymo guddoomiyaha Wakiilladu ugu jeediyey Xukuumaddiisa inay faro-gelin ku hayso isla markaana ay maaggan tahay inay xilka ka xayuuubiso, waxa uu madaxweyne Siilaanyo sheegay inay xukuumad ahaan u hoggaansamayaan shuruucda dalka ee kala xadaynaya waajibaadka shaqo ee Goleyaasha Qaranka.

“Annigu kama warqabo inuu nagu eedeeyey, kamanaan maqal afkiisa, laakiin dawladdu shaqo ayey leedahay baarlamaankuna shaqo ayuu leeyahay. Dawladdu shaqada ay leedahay way gudanaysaa, baarlamaankuna shaqada uu leeyahay wuu gudanayaa, sharcigaana kala xadaynaya mid walibana waa inay xadkeeda ku eekaataa, annaguna diyaar baanu u nahay inaanu xadka aanu leenahay ku eekaano,” ayuu yidhi Md Axmed Siilaanyo.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa ka dib hakadkii ku yimi fadhigii shalay, ayaa masuuliyadda khilaafka sharci ee ka aloosan Golaha Wakiillada dusha ka saaray xukuumadda madaxweyne Siilaanyo oo uu ku eedeeyey inay hawsheedii Qaranka u haysay kaga mashquushay wax-ka-beddelka lagu sameeyey xeer-hoosaadka Golaha iyo guddiyada laysku shaan-dheeyey.

“Maadaama dastuurku kala madax-bannaaneeyey hay’adaha Qaranka, waxaanu jecel nahay inaanu ku ixtiraamno shaqadooda iyo xilka ay qaranka u hayaan, iyagana (Xukuumadda) Golaha Wakiillada Xeer-hoosaadkiisa looma dirin, guddiyadiisa iyo isku-shaandhayntiisuma khusayso, haddana waxa ay shaqadii qaranka mashquushay Isku-shaandhayn, xeer-hoosaad iyo guddiyo kale, markaa waxaan u soo jeedin lahaa iyaga oo ixtiraamaya dastuurka iyo xeerarka dalka inay Golaha u daayaan arrimihiisa, wixii shaqo ka dhexeeyana ay wada-qabtaan,” ayuu yidhi Md Cabdiraxmaan Cirro.

Guddoomiye Cirro oo la weydiiyey tallaabada ay Gole ahaan kaga jawaab-celinayaa haddii ay xukuumaddu joojin weydo faragelinta uu sheegay inay Golaha ku hayso, ayaa ku jawaabay, “Tallaabo kasta oo aanu qaadaynaa waa inay sharciga iyo dastuurka waafaqsanaato, goluhu isaga oo gudanaya waajibaadkiisa dastuuriga, wuxuu isku dayi doonaa inuu Xukuumadda Sharciga ku soo dabbaalo,”ayuu yidhi Guddoomiyaha wakiilladu, waxaanu intaas ku daray, “Golaha Wakiilladu muddadii xukuumaddu jirtay si wanaagsan ayay ula shaqeeyeen, dagaal lamay gelin, haddana dagaal kulama jirto, sabab xukuumaddu ula dagaalanto golaha oo muuqataa ma jirto.”

Md Cabdiraxmana Cirro waxa uu shacbiga u soo jeediyey inay ka war-hayaan arrimaha ka taagan Golaha Wakiillada, “Dadweynaha waxaan u soo jeedinayaa inay ogaadaan in Xukuumaddu shaqadii Golaha wakiillada ku haysato ee aanu Goluhu xukuumadda shaqadeeda ku haysan. Markaa shacbigu hala socdo in xukuumaddu farogelin qaawan ku hayso Golaha,” ayuu yidhi Md Cabdiraxmaan Cirro.

Si kastaba ha ahaatee, hadalka madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Wakiillada, ayaa u muuqda qaar ka tarjumaya labada marxaladood oo aad u kala durugsan, maadaama madaxweynuhu aanu qirsanayn in xukuumaddiisu faro-gelin ku hayso waaxda Sharci-dejinta dalka, halka guddoomiyuhuna aamisan yahay inuu Golihiisu ka socon la’yahay waaxda Fulinta ee Md Siilaanyo maamulkeeda majaraha u hayo.

SOMALILANDPOST.NET