Madaxweyne Siilaanyo Iyo Beesha Caalamka Oo Si Weyn Isugu Maandhaafsan Kala Qaadista Labada Doorasho

Hargeysa (SL.Post) Madaxweynaha  Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo iyo wadamada beesha caalamka ee taageera nidaamka dimuqraadiyadeed ee Somaliland, ayaa si adag isugu maandhaafsan kala qaadista labada doorasho ee madaxtooyada iyo golaha wakiilada oo hore la iskugu raacay inay wada jir u qabsoomaan March 2017, balse hadda la filayo in la kala qaado.

 

IMG_DA893A-FC5C6A-C2D5C3-735AEA-324645-4FDDAC

 

Warar aan la xaqiijin ayaa tilmaamaya in Madaxweyne Siilaanyo golaha guurtida u gudbinayo dhawaan soo jeedin uu ku dalbanayo in muddo laba sannadood ah loo kordhiyo golaha wakiilada, taas oo macnaheedu yahay in dib loo dhigo doorashada wakiilada oo la kala qaado doorashada madaxtooyada iyo wakiilada. Madaxweynaha ayaa la tilmaamayaa inuu soo jeedintiisa ku salayn doono saami qaybsiga iyo xeerkii golaha wakiilada lagu soo dooran lahaa oon goluhu meelmarin.

 

Hase yeeshee, Ilo xogogaala ayaa Geeska Afrika u sheegay in dalalka taageera nidaamka dimuqraadiyadeed ee Somaliland ay Madaxweyne Siilaanyo soo gaadhsiiyeen farriin nuxurkeedu yahay inaanay marna aqbali doonin in la kala qaado labada doorasho oo mar saddexaad muddo kordhin loo sameeyo golaha wakiilada, taas oo ay ku tilmaamayaan dib u dhac halis gelinaya geedi socodka dimuqraadiyadeed ee Somaliland.

 

Wararka uu Geeska Afrika helay waxay tilmaamayaan in dalalkan oo uu fadhigoodu yahay magaalada Nayrobi ee dalka Kenya qaadi doonaan talaabooyin ay kaga jawaabayaan haddii la kala qaado labada doorasho.

 

Si kastaba ha ahaate, haddii uu Madaxweyne Siilaanyo go’aan ku gaadho in la kala qaado labada doorasho ee wakiilada iyo madaxtooyada, waxa beesha caalamka iyo Somaliland u bilaabmi doona isfaham waa’, waxaanay dadka xidhiidhka caalamiga ah falanqeeyaa tilmaamayaan suurtogalnimada dagaal diblomaasiyadeed oo ay beesha caalamku la beegsato xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumadiisa.

 

 

Somalilandpost.Hargeysa