Madaxweyne, Quurba-Joogga Iyo Qaran-Joogga Keeba Musuqmasuq Badan?!

Marka Hore Dhamantiin Waan Idin Salamay Bacda Salan, Wax An Halkan Ku Cabiraya Dhacdo Naxdiin Badan Oo Maalimihi La So Dhaafay  Ka Dhacdey  Dalkeena Gaar Ahan Magalada Hargaysa  Taasi Oo Lagu  Musuqey Raashin Dad Masaakin Ah  Lagu So Caawiyey  In Ay Ku  Qadeyan Hal Maalin  Raashinkaasi Oo Gabi Ahanba Ay Lunsadeen  Masuliyin Sarsare Oo Ka Tirsan Xukumada  Madaxweyne Siilanyo U Hogaamiyo Taasi  Oo Hada Un So Ifbaxday  Laakin La Ogadey In Ay  Ahayd Wax Soo Jireen Ah Tan Iyo Inti La Sameeeyey Hayada Samafalka Madaxtoyada,

Hadaba Wax An Xasuusta In Mudo Imika Laga Joogo  U Arintan Ka Hadley  Gudomiyaha Xisbiga Ucid Eng  Faysal Cali Waraabe  U Sheegey In Ay Jiran  Raashino Logu Tala Galey  Dadka Masaakinta Ah Oo  Suuqyada Hargeisa Lagu Iibiyo Taasi Oo Dad Badan Ay Rumaysan Wayen,

Faysalna Logu  Jawabey  Shirar Jaraiid  Oo Ay Qabten Masuliyin Ila Heer Wasir Ah, Arintaasi Oo Imaka Qaraxdey Lana Ogadey Wixii Faysan Sheegayey In Ay Jiran, Marki La Dul Tegey Bakhaaro Waaweyn O Laga Ibiyey Raashiin  Logu Talagaley  Dadka Danyarta Ah Ee Degan Xarunta Agoomaha Hargeysa Kaasi Oo Ka Koobna Ila 7 Gaadhi Laguna Rogey Bakhaar Ku Yaala Suuqa Goobanimo,

Hadaba  Hadi An U So Noqdo  Dulucda Maqalkan Aan Ka Hadlayo  Aya Waxa Jirta In Masuliyinta Dawlada Somaliland Ay U Badan Yihiin Qurba Joog , Kuwaasi Oo La Amiinsan Yahay  In Ay Ka Dacaadsan Yihiin Dadka Dalka Gudihisa Jooga Kana Aqoon Badan Yihiin,

Hadaba Wax Ay Taasi Beenawdey  Imika Marki Ay So Baxeen Falalkan  Waxashnimada Leh Ee Ay Ku Kaceen Qaar Ka Tirsan Masuliyinta Dawlada Somaliland  Oo Qurba Jooga Ah  Kuwaasi Oo Ka Xishoon Wayeye Waxii Ay Ka Xishooden Kuwi Dalka Gudihisa  Joogey,

Taasi Oo Mujisey In Dadka Qurbaha Jooga Ay Ka Khimayo Iyo Xaran Jecel Yihiin Kuwa Dalka Jooga Kana Aqoon Liitan  Waayo Wax An Tusaale Uso Qadanaya Xukumada Hada Talada Haysa Waxs So Maray Rag Badan Oo Shaqada Laga Eryey Iyo Kuwo Lagu Edeyey  Waxisdaba Marin Kuwaasi Oo Dhan Ka Yimid  Qurbaha,

Hadba Taasi Miyaney Cadyn U Ahayn In Qurba Joogu  Dalka U So Boob Tageen, Waayo Wax Ad Arkeysa  Heerka Ay Xatooyadoodu Gaadhsisan Tahay . Maha  Lacag Dollar Ah  Maha Dhul , Maha Baaruur  Maha Guryo , Ee Waa   Boorash, Qamandi  Saliid , Misir , Timir,  Logu Talagaley In Maalma Ay Ku Nooladan Dad Masaakin Ah  Oo An Haysan Wax Ay Cunan Caawa. Ayu Damiirkodu Siyey In U Hunguri Ka Galo.

Hadaba Way Jiran Dad Daacad Ah Oo Qurbajoogta Somaliland Ka Tirsan  Sharaf Iyo Amaana Ka Mudan Dalka Somaliland  Laakin Wax Ad Noso  Dirten Kuwi Ugu Liitey Ee An Ciidi Waxba Waydin Jirin Magaciinina Diley

Inkasta Oo Imika Ay Gacanta Ku Hayso Xukumada Somaliland Xabsigana Ay Ku Jiran, Wax Anu Madaxwaynaha  Ka Codsanayna In Sharciga La Mariyo  Si Ay Ugu Quus Qatan  Kuwa Quurbah Uga So Dhoofey  Dhaca Dadka Masaakinta Ah .

 Allaa Mahad Leh

Hassan Mohamed Abdalla