Madaxweyne Obama oo sheegay inaanu Maraykanku Aqbalayn Hub Nukliyeer ah oo Iiraan yeelato, kana hadlay weerar dalkaas lagu qaado

Washington, 03 March, 2012 (SLpost)- Madaxweynaha Maraykanka Barak Obama ayaa Waraysi uu Maanta siiyay wargayska lagu magacaabo Atlantic Magazine ee ka soo baxa Wadanka Kanada, ayaa arrin aan la aqbali Karin ku tilmaamay in Iiraan ay samaysato hubka halista ah ee wax gumaada ee Nukliyeerka.

Madaxweyne Obama waxa uu sheegay inaanu maamulkiisu ku deg degayn wakhtigan duqayn cirka ah oo lala beegsado Xarumaha Nukliyeerka ee dalka Iiraan isagoo intaas ku daray in lagu sii adkayn doono Xukuumada Tehraan Cuno qabataynta lagu soo rogay si ay ugu dhego nuglaato baaqyada caalamiga ah .

Warku wuxuu intaas ku darayaa inaanay miiska ka maqnayn duqayn cirka ah oo lagu burburiyo xarumaha lagu tayeeyo barnaamijka Nukliyeerka ee Iiran.

Dhinaca kale Ra’isal Wasaaraha Israa’iil oo booqasho ku jooga dalka Maraykanka ayaa la filayaa inuu isniinta soo socota kula kulmo Guriga Cad ee looga arrimiyo wadanka Maraykanka Madaxweyne Barak Obama waxa ay labada hogaamiye ka wada hadli doonaan sidii looga takhalusi lahaa Nukliyeerka Dalka iiraan.

Warar Xog ogaal ah ayaa sheegaya in Isra’il ay doonayso in nukliyeerka Iiran la burburiyo inta aan la gaadhin bisha afaraad ee Sannadkan.

somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net