Madaxweyne Obama Oo Ku Guda Jira Socdaalkiisii Dalka Itoobiya

Addis Ababa, (SLpost)- Madaxweyne Obama ayaa ku gudajira lugtii labaad ee socdaalka uu ku marayo Afrika, isagoo booqanaya dalka Itoobiya.Obama

Mareykanka iyo Itoobiya ayaa iska kaashada la dagaalanka Islaamiyiinta mintidka ah, waxaana kumannaan ciidammada Itoobiya ahi ay ku sugan yihiin gudaha Soomaaliya.

Madaxweyne Obama ayaa la filayaa inuu Itoobiya kala hadlo iskaashiga dhanka ammaanka iyo wanaajinta xoriyadda dimuqraadiyada ku salaysan ee dalkaasi.

Waxa uu maalinta salaadada khudbad ka jeedin doonaa xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa, isagoo ka hadli doona arrimo ay ka mid yihiin colaadda ka taagan South Sudan.

Waa markii ugu horraysay ee madaxweyne Mareykan ahi oo xafiiska haya uu dalkaas booqdo, wuxuuna Obama noqonayaa madaxweynihii ugu horreeyey ee Mareykan ah ee khudbad ka jeediya xarunta Midowga Afrika.