Madaxweyne Obama Oo Hogaamiyaha Jarmalka Uga Mahadnaqay Qaabilaada Qaxoontiga

 

Us(SLpost)-Madaxweyne Obama waxa uu teleefoon kula hadlay hogaamiyaha dalka Jarmalka Angela Merkel, si uu ugu mahadceliyo waxa uu ugu yeeray hogaaminteedalatacaalidda qalalaasaha dadka megengelya doonka ah ee yurub.

War ka soo baxay Aqalka Cad ayaa lagu sheegay in si gaar ah looga hadlay in la qaabilo qaxootiga Suuriya.Dowladda Jarmalka ayaa waxa ay sheegtay in sanadkan ay fileyso inay qaabisho 800 oo kun oo qof oo megengelya doon ah si awood loogu yeesho in xaaladda laga hortago.

Mrs Merkel shalay waxa ay booqatay xarun ay ku jiraan dad qaxooti ah oo weerar kala kulmay xagjiriinta midigta fog.Waxa ay cambaareysay weerarka lagu qaaday qaxootiga, waxayna sheegtay in Jarmalka uusan arrintaas oo kale u dulqaadan doonin.Waxa ay maanta ka qeybgaleysaa shir looga hadlayo muhaajiriinta Yurub ku qulqulaya.Shirkaasi waxa uu ka dhacayaa dalka Austria oo sheegaya in shuruucda dadka megengelyo doonka ah ee Yurub ay fashilmeen.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Austria, Sebastian Kurz oo la hadlay BBC, ka hor shirka waxa uu sheegay in loo baahan yahay in laga wada shaqeeyo dadaalka lagula tacaalayo tirada tahriibayaasha ee Yurub ku wajahan.Dadkaasi muhaajiriinta sharcidarada ah, badankooda waxa ay ka gudbayaan dalalka la isku dhaho Balkan.