Madaxweyne Muuse Biixi oo Taliye Cusub u magacaabay Ciidanka Booliska Somaliland

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa Goor dhawayd Magacaabay Taliyaha Cusub ee Ciidammada Booliska Somaliland.

Madaxweynaha ayaa Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliska u Magacaabay Maxamed Aadan Saqadhi (Daba-gale) oo ka mid ahaa saraakiisha Ciidammada Qaranka Somaliland.

Ma jiro War Rasmiya oo ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland,  haseyeeshee haddana Ilo-wareedyo xog-ogaal ah ayaa xaqiijiyey in Madaxweynuhu uu Taliyaha cusub ee Ciidammada Booliska u Magacaabay Maxamed Aadan Saqadhi (Daba-gale)

Taliye Daba-gale ayaa buuxinaya Jagadii uu banneeyay Allaah ha  u naxariistee Taliyihii hore ee Ciidammada Booliska Somaliland, Cabdillaahi Fadal Iimaan oo Toddobaadkan ku Geeriyooday Magaalada Hargeysa.

Dhinaca kale, sida ilo-wareedyadani sheegeen, waxa kale oo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi magacaabay Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska oo uu booskaas u igmaday Sareeye Guuto Cabdi Xasan Mire Faarax.

Sarkaalkan ayaa buuxinaya booska Taliye ku-xigeenka Booliska, kaddib markii dhowaan xannuun ku soo booday taliye ku-xigeenkii hore ee Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Faarax Maxamed Cige oo isla maanta uu xilka ka qaaday madaxweyne Biixi.