Madaxweyne Muuse Biixi oo Masuul cusub u magacaabay Maamulka Duulista iyo Madaarrada dalka iyo Qorshaha ka dambeeya

Magacaabista uu madaxweynuhu sameeyey, ayaa daboolka ka qaadday jiritaanka qorshe xukuumaddii madaxweyne Siilaanyo ku dejisay in maamulka madaarrada dalka lagu wareejiyo hay’ad gaar loo leeyahay. Lama oga hay’addani cidda ay tahay, haseyeeshee, waxa uu qorshuhu yahay in qaabka loo wareejiyey dekedda Berbera.

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa masuul cusub u magacaabay Hay’adda Duulista iyo Madaarada Somaliland, kaddib markii meesha laga saaray isla markaana Wasaaraddii Duulista iyo Hawada ee dalka.

Md Muuse Biixi Cabdi waxa uu Maareeyaha hay’adda Duulista iyo Madaarrada Somaliland u magacaabay Duuliye sare Cabdi Maxamed Rodol, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska warbaahinta madaxtooyada.

FB_IMG_1513427000562War-saxaafadeedkan ayaa u qornaa sidan:- “Sum: JSL/XM/WAREEGTO/222-02/122017 Taar:17 December, 2017

Wareegto Madaxweyne

Magacaabid

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad; Xarafka (Kh);

Markaan Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Hay’adda Duulista iyo Madaaradu u leedahay Dhismaha Qaranka;

Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa, iyo Waaya-aragnimadiisa;

Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markaan Sameeyey: Wada-tashi;

Waxaan Go’aansaday;

In Duuliye Sare, Cabdi Maxamed Rodol, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista iyo Madaarada Jamhuuriyadda Somaliland.” Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka.

Magacaabista uu madaxweynuhu sameeyey, ayaa daboolka ka qaadday jiritaanka qorshe xukuumaddii madaxweyne Siilaanyo ku dejisay in maamulka madaarrada dalka lagu wareejiyo hay’ad gaar loo leeyahay. Lama oga hay’addani cidda ay tahay, haseyeeshee, waxa uu qorshuhu yahay in qaabka loo wareejiyey dekedda Berbera loo maro in maamulka madaarrada dalka lagu wareejiyo hay’ad gaar loo leeyahay.