Madaxweyne Muuse Biixi oo Magacaabay Guddoomiyeyaasha 8 gobol iyo Saddex Masuul oo kale (AKHRISO WAREEGTADA MADAXWEYNAHA)

muuse biixi iyo Ergayga Qaramada Midoobay (4)Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta wareegto madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/XM/WM/222-30/012018, uu ku magacaabay 11 masuul oo isugu jira Badhasaabbada siddeed gobol, Afhayeenkiisa iyo laba masuul oo kale.

Wareegtada madaxweyne Muuse Biixi ayaa iyadoo dhammaystiran u qorneyd sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Magacaabid

Markaan Arkay:           Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad;

Markaan Arkay:           Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay:   In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan; 

Markaan Sameeyey:    La-tashi Ballaadhan; 

 

Waxaan Go’aamiyey:

In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiinta magacyadoodu hoos ku xusan yihiin:

 

Tir Magaca Xilka
1. Maxamed Axmed Caalin Yuusuf (Tiimbaro) Guddoomiyaha Gobolka Sanaag
2. Xamse Maxamed Cabdi Axmed Guddoomiyaha Gobolka Togdheer
3. Jaamac Xaaji Axmed Cabdi Muuse Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex
4. Cabdiraxmaan Axmed Cali Muuse Guddoomiyaha Gobolka Awdal
5. Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax Guddoomiyaha Gobolka Gabiley
6. Yaasiin Maxamed Shide Ibraahim Guddoomiyaha Gobolka Hawd
7. Axmed Maxamed Xaashi Ducaale Guddoomiyaha Gobolka Saraar
8. Mawliid Maxamed Nuur Warsame Guddoomiyaha Gobolka Salal
9. Maxamuud Warsame Jaamac Cali Afhayeenka Madaxweynaha
10. Cabdiwaaxid  Cabdiqaadir Cabdiraxmaan Maxamuud La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Bulshada
11. Khadar Sh. Cabdillaahi Sh. Cali Jawhar Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka

 

                   [

Gobollada Saaxil, Sool, Badhan, Daadmadheed, Buuhoodle iyo Xaysimo waxa xilka guddoomiyenimo sii ahaanaya Guddoomiyeyaasha hadda xilka haya.

 

Masuuliyiinta xilka wareejinaya waxaan uga mahad-celinayaa sidii xil-kasnimada lahayd ee ay u guteen waajibaadkoodii Qaran muddadii ay xilka Qaranka hayeen.

          [

 

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland