Madaxweyne Muuse Biixi Oo Ka Qayb-galay Xafladda Qalin-jebinta Dufcaddii 18-aad ee Jaamacadda Cammuud

Boorama (SLpost)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta ka qaybgalay munaasibad ballaadhan oo loo qabtay 974-Arday oo ka qalin-jebiyey jaamacadda Cammuud taas oo lagu qabtay xarunta ay jaamaaddu ku leedahay magaalada Boorama.

Munaasibadda qalin-jebinta 974-ka Arday oo ah dufcaddii 18-aad ee ka qalin-jebisa jaamacadda Cammuud, ayaa waxa ka qaybgalay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, madaxweynihii hore ee Somaliland, Mudane Daahir Rayaale Kaahin, hormuudka Jaamacadda Cammuud Prof. Saleebaan Axmed Guuleed, xubno kamid ah golaha wasiirrada, siyaasiyiin, haldoor, aqoonyahan, madax-dhaqameed, waalidiinta Ardayda qalinjebisay iyo marti-sharaf kale, waxana madasha laga jeediyey hadallo lagu bogaadinayo da’yarta waxbaratay iyo dedaalka ay u galeen horumarinta naftooda.

Hormuudka Jaamacadda Cammuud, Prof. Saleebaan Axmed Guuleed oo ugu horrayn munaasibadda hadal ka jeediyey, ayaa ku dheeraaday marxaladihii kala duwanaa ee ay jaamacaddu soo martay, guulaha ay gaadhay iyo dedaalka naf-hurnimada leh ee ay ardaydani ugu dhabar-adaygeen inay ka midho dhaliyaan hammigii ay lahaayeen, waxana uu ku dhiirrigeliyey inay bulshada ugu faa’iideeyaan cilmiga ay barteen.

Sheekh Maxamed Aadan oo Afka waalidiinta ku hadlay, ayaa isaguna ku bogaadiyey Ardayda qalin-jebisay dedaalka ay sameeyeen, waxana uu ka codsaday inay ka soo celiyaan abaalkii ay waalidiinta iyo macallimiintuba geliyeen  muddadii ay waxbarashada ku jireen.

Wasiirka wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska, Mudane Cismaan Jaamac Aadan, ayaa isaguna dhinaciisa soo dhaweeyey da’yarta cusub ee jaamacadda ka qalin-jebisay, waxana uu tilmaamay inay xukuumad ahaan dedaal badan geliyeen sidii dalku u heli lahaa aqoonyahanno diyaar u ah inay dadkooda u shaqeeyaan.

Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Daahir Rayaale Kaahin oo munaasibadda ka hadlay, ayaa bogaadiyey Ardayda maanta qalin-jebisay, waxana uu xasuusiyey midhaha laga filayo iyo baylahda badan ee hortooda taalla, isaga oo kula dardaarmay inay horumarkooda ka shaqeeyaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo isagu kamid ahaa bahdii kasoo Aflaxay Jaamacadda Cammuud, ayaa hambalyo iyo bagaadin u diray Ardayda Qalin-jebisay, waxana uu si gaar ah u bogaadiyey hormuudka gacanta ku haya jaamacadda Hargeysa oo uu ku tilmaamay aqoonyahan soo saaray da’yar  maanfuran oo aqoon tayo leh lagu canqariyey.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu muujiyey sida uu mar walba muhiimadda u siiyo jaamacadda Cammuud, isaga oo xusay inuu safka hore ka geliyey jaamacadaha uu farxadda qalinjebinta la qaybsanayo, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Waxan maalmahan farxadda la wadaagi doonaa arday badan oo jaamacado ka qalinjebinaya, waxana aan Kow ka dhigay oo ugu horraysa Jaamacadda Cammuud, waayo waxa aan ka tirsanahay bahda Cammuud.”

Madaxweynuhu waxa uu aqoonyahanka qalinjebiyey ka codsaday inay cilmi-baadhis qoto dheer ku sameeyaan sidii xal loogu heli lahaa mushkiladaha bulshada dhexdeeda ka jira, “Si aynu horumar u samaynno aqoonyahanka cusub ee aad kamidka tihiin iyo kuwii horeba waa inaynu ku fikirnaa sidee baynnu   khilaafaadka u yaraynaa, sidee baa dadkeennu isu aaminaa, sidee baa dadku wuu isku dhacayaaye marka uu is khilaafo loo daaweeyaa,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu shahaadooyin guddoonsiiyey tiro kamid ah ardayda qalin-jebisay oo hormuud ahaa kulliyadaha ay ka baxeen, kuwaas oo ay wejiyadooda ka muuqatay sida ay ugu faraxsan yihiin inuu madaxweynahoodu kala qayb-galo qalinbeintooda.

 

DAAWO BILICDA SAWIRRADA XAFLADDA QALIN-JEBINTA 

default

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net