Madaxweyne Muuse Biixi oo ka Hadlay Yoolka Xukuumaddiisa, wada-hadallada Somalia, Dekedda Berbera iyo Mashruuca Berbera Corridor

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in qiime kasta oo ay ugu kacdo iyo wakhti kasta oo ay qaadato yoolka ay Somailand hiigsanaysaa uu yahay aqoonsi caalamiya oo ay ka hesho beesha caalamka.

Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo waraysi dhinacyo kala duwan taabanaya siiyey laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA-da, waxa uu ka hadlay ballaadhinta dekedda Berbera iyo dhismaha jidka Berbera Corridor, waxaanu sheegay in casriyeyntii Marsada Berbera ay shirkadda DP World dhammayn doonto sannadka 2021ka, waxa kaloo uu tilmaamay in jidka Berbera Cooridoor ee isku xidhaya Berbera iyo Wajaale ay dhiseen Boqolkiiba dhawr iyo Toban.

Sidoo kale, Madaxweyne Muuse Biixi wuxuu caddeeyey in dhismaha jidka muhiimka ah ee isku xidha Burco iyo Ceerigaabo dhammaystirkiisii ay ka hadhay 60km. waxa kaloo uu tilmaamay in la bilaabi doono dhismaha jid isku xidhaya Jabuuti iyo Boorame oo ay Xukuumad iyo shacab-ba la iska kaashan doono.

Madaxweynaha Somaliland waxa kaloo uu intaas ku daray in shacbiga Somaliland markii ay arkeen abaarihii isdaba jooga ahaa ee dalka ka dhacay ay go’aansadeen inay wax beertaan, si dalku iskugu filnaado dhinaca cuntada. Waxaanu xusay in markii u horreysay ay sannadkan Xukuumaddu ka iibsanayso beeralayda wax-soo-saarkooda.

Madaxweynaha JSL oo wax laga weydiiyey asbaabaha hortaagan aqoonsiga Somaliland, waxa uu iftiimiyey in JSL tan iyo markii ay sannadkii 1991kii la soo noqotay madax-bannaanideeda ay dedaal aanay waxba la hadhin gelisay sidii ay u kasban laheyd aqoonsi, hase ahaatee muddadaas ay JSL qabsatay guulo badan oo ay ka mid yihiin dib u dhiska dalka iyo inay dhisatay dawlad dimuqraadi ah oo u qalanta ta caalamka ugu ammaanka badan.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu ku eedeeyey dawladda Muqdisho inay aqoonsigii iyo dhaqaalihii caalamku siiyey ay u adeegsatay inay Somaliland kala dagaalanto xaga dhaqaalaha iyo inay isku daydo inay qas ka rido Somaliland gudaheeda.

Madaxweynuhu mar wax laga weydiiyey dhinaca wadahadalka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya waxa uu sheegay in Soomaaliya looga baahan yahay inay aqbasho xaqiiqda ah inay labada dhinac ahaayeen laba dal oo isku biiray. Waxaanu ku dooday in loo baahan yahay in la helo cid labada dhinac dhex u ah oo u garnaqda.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu sheegay inay Somaliland iskugu tagtay sidii loo xakameyn lahaa xannuunka Covid-19 isla markaana qalabkii loo baahnaa Boqolkiiba 63 la keenay inta kalena la sugayo inuu dalka soo gaadho.

 

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net