Madaxweyne Muuse Biixi oo Garoonka Diyaaradaha Berbera ku soo Celiyey Gacanta Dowladda

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa shaaca ka qaaday inuu laalay heshiis xukuumaddii Md Axmed Siilaanyo kula gashay dowladda Imaaraadka Carabta inay la wareegto isla markaana saldhig milatari ka dhigto Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Berbera.

Madaxweyne Muuse Biixi oo maanta socdaal ku tagay magaalada Berbera ee gobolka Saaxil, waxa uu sheegay inuu gacanta dowladda ku soo celiyey madaarka Diyaaradaha ee Berbera isla markaana uu noqon doono garoon diyaaradeed ay isticmaali doonaan diyaaradaha shacabka

Md Muuse Biixi Waxa uu sidaas ka sheegay munaasibad uu ku dhagax-dhigayey dhismaha Haamo Shidaal oo Cusub oo Xukuumaddu yeelanayso.

“Garoonkii Berbera ee inta badan laga murmayey ee Imaaraadku dhisayeen ee la lahaa waa Ciidan, waan ka wareejiyey ciidankii oo mid shacab maanta, wuxuu noqonayaa Garoonka ugu weyn. Todobaadkan waxa imanaya shirkaddii dhisaysay madaarka iyo Taawarka. Wuxuu noqon doonaa garoonka ugu weyn (Afrika) oo Dekedda ka shaqo bata oo diyaaradaha Caalamka ugu waaweyn ka qaadaan Alaabta,” Sidaas ayuu yidhi Md Muuse Biixi Cabdi.

 

Muuqaalka Hoose ka Daawo Hadalka Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net