Madaxweyne Muuse Biixi oo Ardayda Jaamacadda Hargeysa Ku Boorriyey Inay ka qayb-qaataan Gurmadka Dadka ku waxyeelloobay Deegaannada Duufaantu ku dhufatay

Hargeysa (SLpost)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa saaka kormeer kedis ah ku tegay xarunta Jaamacadda Hargeysa, waxaana uu halkaas war-bixin ku saabsan dhibaatada ka dhalatay roobabka duufaannada watay ee ku dhuftay deegaannada xeebaha galbeed ee dalka ku siiyey ardayda kulliyadaha kala duwan ee jaamacadda oo waqtigaas ku gudo jirtey waxbarashadooda caadiga ah.

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan xubno kamid ah golihiisa wasiirrada, ayaa ugu horrayn shir la qaatay hormoodka kulliyadaha kala duwan ee Jaamacadda, kuwaas oo uga warbixiyey xaaladda jaamacadda iyo guulaha ay ku tallaabsatay, waxaana uu  madaxweynuhu maamulka guud ee Jaamacadda Hargeysa uga mahadnaqay horumarka muuqda ee Jaamacaddu gaadhay.

5Intaas kaddib madaxweynuhu waxa uu mid mid u galay fasallada kuliyadaha kala duwan ee Jaamacadda oo ay xiisaduhu ka socdeen, waxaana uu halkaas kula wadaagay baaxadda masiibada ka dhalatay roobabkii dabaylaha watay ee gobollada xeebaha galbeedka Somaliland iyo waqooyiga gobolka Awdal ku dhuftay, isaga oo u sharraxay heerka ay dhibtaasi gaadhay iyo waxyeellada ay u geysatay dadka iyo duunyadii jiidahaas ku noolayd.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu Ardayda Jaamacadda u sheegay inay dalka ka dhacday masiibo baaxad leh oo galaafatay nolosha tiro muwaadiniin ah iyo kumanaan xoolo ah, waxaana uu tilmaamay in Ardayda marti looga yahay sidii ay samoto-bixintaas qayb uga noqon lahaayeen, waxaana uu yidhi, “Maanta dabayl baa ku dhufatay gobollada waqooyiga Awdal, in ka badan 16,000 (lix iyo toban kun) oo qoys, ugu yaraan lix boqol oo kun oo qof iyo in ka baddan, ayaa xoolo waayey oo guryo waayey saacado gudahood, dadkaasi gurmad bay u baahan yihiin, gurmadka iyo xooggana waxa abuura dhaqaalaha, dhaqaalaha laftiisana waxa abuuri kara dad aqoontiisa bartay, sidiina oo kale, markaa inaad masuuliyaddaa u diyaar garowdaan oo aad noqotaan dad dalkan dhibaatooyinka uu ku jiro ka saara, ayaa la idinka rabaa.”

 

Ujeeddada uu madaxweynuhu ugu tegay Ardayda Jaamacadda Hargeysa, ayuu sidoo kale warbixin kooban ka bixiyey, waxaana uu tilmaamay in xoogga bahda waxbarashada Jaamacadda Hargeysa yahay mid lagu xisaabtamayo marka ay masiibooyinka noocan ahi dalka ku habsadaan, “Saaka waxaan idiin soo maray gurmad baan ahaa, gobolka Awdal iyo xeebihii oo dhan waxa ka dhacday dhibaato weyn, ugu yaraan ilaa 600,000 (lix boqol oo kun) oo qof ayaan  xoolona haynin, gurina haynin, dhawr iyo soddon dhimashadooda waa la hubaa, 9-qofna waa la la’yahay, dabayshii dhacdayna ilaa awrtii Rarayda ahayd ee ugu adkayd bay laysay.Jaamiciyiintana waxa loogu warramayaa idinkaa xil-kas ah.dhibaatooyinkeenuna way badan yihiine haddii la idiin baahdo waxad tihiin xoog dalka ka jira.”

 

Ugu danbayna waxa uu madaxweynuhu dhiirigelin iyo guubaano u jeediyey ardayda ku sugnayd fasalada jaamacada Hargeysa isagoo maamulka kaamacadana ku amaanay hawsha baaxada leh ee ay u hayaan dalkooda iyo dadkooda.

1 3 4 5 8B7A4909 8B7A4911 8B7A4912 8B7A4920 8B7A4924 8B7A4929 8B7A4931 8B7A4935 8B7A4944 8B7A4948 8B7A4952 8B7A4957 8B7A4961 8B7A4964 8B7A4966 8B7A4970 8B7A4979 8B7A4988 8B7A4991 8B7A4999 8B7A5006 8B7A5009 8B7A5010 8B7A5018 8B7A5029 8B7A5030 8B7A5037 8B7A5039 8B7A5050 8B7A5051 8B7A5064 8B7A5069 8B7A5076 8B7A5091 8B7A5099 8B7A5102 8B7A5112 8B7A5115 8B7A5123 8B7A5134 8B7A5139 8B7A5152 8B7A5178 8B7A5193 8B7A5194 8B7A5196 8B7A5199 8B7A5223 8B7A5225 8B7A5227 8B7A5228 m (1) m (3) m (4) m (5)