Madaxweyne Muse Biixi oo Digreeto ku Asteeyey Xuska Maalinta DHIRTA Somaliland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta wareegto madaxweyne oo sumaddeedu tahayJSL/XM/WM/222-79/42018 ku asteeyey in Maalinta Dhirta 15ka bisha Afraad (April) ay ahaato maalinta Dhirta Jamhuuriyadda Somaliland, sannad walba.

muuse biixi iyo Ergayga Qaramada Midoobay (4)Waxaanay wareegtadu u dhignayd sidan:

Wareegto Madaxweyne

 

Maalinta Dhirta Somaliland

 

Markaan Arkay:                  Qodobka 90aad,  34aad, Faqradda 4aad iyo 18aad,  ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markaan Arkay:                              Qodobka 7aad iyo 9aad ee Xeerka Ilaalinta Kaymaha iyo Duur-joogta Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markaan Dersay:                 Muhiimadda ay Dhirtu u leedahay ka hor-tagga Nabaad-guurka, Bad-qabka iyo Bilicda Deegaanka Dalka;

 

Markaan Arkay:                  In Dabar-goyn iyo xaalufin ba’an lagu hayo dhirta, isla markaana ay lagama-maarmaan tahay in muwaadin kastaa uu xil iska saaro daryeelka iyo beerista dhirta;

 

Waxaan Go’aamiyey;

 

In maalinta 15ka bisha Afraad (April) ay ahaato maalinta Dhirta Jamhuuriyadda Somaliland, sannad walba.

 

In Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer-miyigu ay hirgeliso xuska maalintan sannadlaha ah, iyada oo kaashanaysa Hay’adaha ku shaqada leh Arrimaha Deegaanka.

 

In Maamulka Gobollada iyo Degmooyinku ay Wasaaradda si buuxda ugala shaqeeyaan Dhir-beerista, Daryeelka Dhirta iyo Daaqa.

In muwaadin kasta oo Somaliland ahi xil-weyn iska saaro xannaanaynta iyo beerista dhirta.

 

ALLAA MAHAD LEH

          Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland