MADAXWEYNE KUMEE?

Mudane Maxadaxweyne, waxaad u timi Soomaalilaan oo aad u rajaynaysa imaatin kaaga xilligii ku haboonaa, laakiin qaab ka aad ugu timi ayaa ahaa adigoo muddo sideed sannadood ah dad ka u abaabulayey qabiilooyin iyo degaanno, taas oo aad ballan adag u qaadday badan kooda. Taasi waxay sababtay in markii aad madaxtooyada aad gashay aad albaab ka dhigatay dad aan la gararnayn oo sutida u qabtay dad kii ku yaqaannay ee aad la soo heshiisay. Waxaana la ga dhaxlay dhaawac xun oo qabyaaladeed dad kiina sidaad ula soo heshiisay una soo abaabuli jirtay ayey u abaabulan yihiin wali.

Mudane Madaxweyne, dhalaniyaradii wadan ka kula joogtay waagii aad mucaarad ka ahayd waxaad ku ridday quus iyo jaahwareer jiho kasta ba leh, waxaad u sawirtay in wadan kii cadaw haysto oo uu u baahan yahay in dib loo xoreeyo, waxaad in badan ku cecelin jirtay in wadan kii uu galay gacan cadaw oo arxan daran taasi waxay sababtay in kumanyaal iyo boqollaal dhalinyaro ahi ay ka rajo beelaan wadan ka oo ka yaacaan. Adigaa na sabab u ahaa dhibaatadaas, waayo marna maad abuurin rajo laakiin waxaad abuurtay rajo la’aan nololeed oo baahsan.

Mudane Madaxweyne waxaad abuurtay inaad cadaw iyo qawlaysato ku sheeg to masuuliyiintii UDUB, taas oo aminigooda iyo sharaftooduba uu halis ugu jiray in guryaha loogu daato, dadkana waxaad u galisay nacayb iyo foolxumo aad u wayn. Heer waxa la gaadhay qaar kood birta loo diyaarsado halka kuwo kalana lagu hor aflagaadeeyo eheladooda dooddahaaga ugu badani waxay ahaayeen kuwo dura masuuliyiinta dawladda. Illaa iminka dad ka qaar ayaa nacayb u haya masuuliyiin tii UDUB.

Mudane Madaxweyne, Daahir Rayaale wuxuu iibiyey hantida ummadda isagoo ka iibiyey ganacsato qawlaysato ah, arrinkaas aad iyo aad baad u dhaliili jirtay waxaanuu kuu ahaa qodob ka koowaad ee aad la wadaagto bulshada, waxaad ka xishoon wayday wixii shalay aad dhaliili jirtay. Si xun oo caadifadi ku jirto ayaad u maamushay xisbigii KULMIYE, waxaanuu kuu ahaa gabbaad aad canbaar iyo cuqdad, ama ba ciil la ga la yimaaddo.

Oo qofkii maalin kula kulmaa calool xumo iyo isir nacayb uu u qabo Daahir Rayaale ayuu kaala iman jiray, heer ay gaadhay in dad ka qaar ay quudhi waayaan inay labada indhood ku eegaan markuu Tvga ka hadlayo. Hal ka kuwo kalana aanay waligood ka dhagaysan raadyowga, sababtuna waa nacayb aad adigu abuurtay, dad kana aad ugu sheegtay tuug afar kabood le ah.

Mudane Madaxweyne, Daahir Rayaale waxaad ku eedeysay sida uu u maamulay SOMCABLE, markii aad guulaysatayna waxna kamaad baddalin sidii uu u maamulay waxaad digreeto ku caddaysay inaad ku raacday Daahir Rayaale. Mudane Madaxweyne, Daahir Rayaale, waxaad ku dhaliishay bixintii Tiyaatar ka uu siiyey shaqsiga doodo badan ayaad ka dhex abuurtay bulshada, maanatana afartii waddo ee hareeraha ka mari jiray ayaad afar qof kala siisay. Waxaanad markale ummadda hortooda ka caddaysay inuu saxsanaa Daahir Rayaale.

Mudane Madaxweyne, Daahir Rayaale wuxuu ka xishooday in madaxtooyada inuu u soo fadhiisto qof tolkii ahi, laakiin adiga dhaqan bay kuu noqotay iyo sunne foolxumo badan. Daahir Rayaale in badan oo noloshaada ah ayaad ku eedaysay inaanu bulshada la hadlin oo uu afka ka xidhay laakiin waxa uu qof kasta maanta iswaydiinayaa Siilaanyo meeyey..

Waxaa ceeb iyo waji xumo kuugu filan nimankii aad tuugta ku sheegtay ee aad waliba in badan oo badan aad ku cecelisay qaar kood na saq dhaxe aad ku salali jirtay ayaa maanta ku hareero jooga. Waxaa caddaan ah inay kaa guulaysteen gartiina kaa heleen maadaama eedayntaadii iyo canbaarayntaadii ay ku soo ururtay digreeto aad ku caddaysay hufnaantooda iyo kartidooda ba.

Mudane Madaxweyne waxaad jeexday oo aad ka tagaysaa Xisbi aad ku midaysay beelo adigoo sawiray xarriiq beeleed aanad markii hore ka fekerin cidhibtiisa iyo aayihiisa danbe. Taasina waa summad iyo calaamad taariikhda kuugu jirta oo aad ka tagayso. Marka la gu yidhaahdo qabyaalad baa korodhay waxa maskaxda fiicani ku jawaabaysaa inaad qabyaaladda wax ku doontay. Markaa miyaan la gu odhan karin sees ka qabyaaladda waxbaad ku lahayd?.

Mudane Madaxweyne waxaad ka tagaysaa, dhitooyin kaas faraha badan, waxaad kaga tagaysaa raggii dhibaatooyin kan kula dhigay. Ayax tag Eel na Reeb.

W/Q: Maxamed Aadan Tarabbi

Bulay571@gmail.com

Facebook, Maxamed Aadab Tarabbi,

Saint Louis, MO, USA.