Madaxweyne Ku-xigeenkii Hore Oo Ka Hadlay Dhex-dhexaadnimada Turkiga Ee Wada Hadallada Somaliland Iyo Somalia

Hargeysa (SLpost)-Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa ka hadlay Weftii ka socday Dalka Turkiga ee dhawaan dalka yimid, waxaanu sheegay in dalka Turkigu aanu dhexdhexaad ka noqon karin wada hadalada Somaliland iyo Somaliya.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin oo Wargeyska Geeska Afrika u wareysi gaar ah siiyey ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay Diiwaangelinta oo uu sheegay inay xal u noqon doonto is qabsi iyo kala shaki ku yimaada Doorashada, waxa kale oo uu ka hadlay abaaraha ka jira deegaano badan oo ka tiirsan Somaliland waxaanu yidhi “Weftigan Turkiga ee yimid ee la socda arimihii wada hadalada, waxa aan leeyahay markii hore Turkigu gogol fididin ayey lahaayeen, laakiin waxa muuqata inay doonayaan inay hadda ku lug yeeshaan wada hadalada, marka hore Turkiga waxa ay is hayeen Kurdis, oo hadda qayladoodu taagan tahay, oo waxa Turkigu ma rabaan in Kurdisku go’in, Kurdistaana waxa kala goostay dhawr dal, oo badh waxa uu ku jiraan Iran, badha waxa uu ku jira Ciraaq, badh waxa uu ku jira Suuriya, badhna waxa uu ku jira Turkiga, waa sidii aynu inagu u ahayn shanta qaybood, markaas anigu ma qabo inuu Turkigu inoo soo sido nasteexo xaggeena ah, oo isagii ayaa dhaawacan oo Kurdisku doonayaan inay ka go’aan”

Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa mar uu ka hadlaayey Shanta Somaliyeed wuxuu yidhi “Somalidu waxa ay gashaa shan qaybood, Somaliland, Somaliya, Jabuuti, Kililka Shanaad iyo NFD, xidigtii shanta ahayd labadii isku yimid waa kuwan kala noqday, waxaana ku talinay saddexdii kale ha loo yeedho oo ha fadhiyaan miiska wada hadalada, inaguun maxa la inoo haystaa saddexdii kalena wey tageene, oo wey danaysteen oo qaar Kenya ayey la falgaleen, qaarna Itoobiya, Jabuutina iskeed ayey isku taagtay, waxaana leeyahay wada hadalada Kenya ha timaado, Itoobiya ha timaado Jabuutina ha timaado,laba daraf oo kale oo Adduunkuna ha yimaadaan, oo sidaas ha lagu bilaabo wada hadalada ayaan odhan lahaa, oo ama shantii qaybood ee Somalida ha la isku keeno ama haddii ay Saddex tageen in Labada kale la isku qasbo maaha”.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland ayaa mar uu ka hadlaayey in la sameeyo Guddi aqoonsi raadis u noqota Somaliland ayaa yidhi “Falastiin Guddi ayey lahayd lixdankii sanno ee ugu dambeeyey, Guddidaasi waa Guddi lagu og yahay in Falastiin la icitaafo, Guddidan oo madax leh lama bedbedalo, anigu waxa aan idhi Guddi ka kooban Todoba xubnood ha la sameeyo, oo Xukuumadda ha kaga jiro Wasiirka Arrimaha Dibaddu Guddoomiye u noqdo, Lixda xubnood ee kalena qaybaha kala ee shacabka ha laga keeno, sida Golayaasha, Guddidaasna ha noqdaan joogto, oo bishii laba jeer ha shiraan, laakiin haddii maalin walba Guddi la sameeyo, waa habqan, sidii Guddiyadii hore yaanay inaga noqon oo qaar la bedelay qaarna la eriyey”

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland ayaa mar uu ka hadlaayey Diiwaangelinta ayaa yidhi “Diiwaangelintu waa muhiim, waxay muhiim ka tahay haddii ay si fiican u dhacdo is qabqabsi dambe oo dhaca iyo shaki dambe ayaan jiri doonin mustaqbalka oo ku gadaaman Doorashooyinkeena, Diiwaangelin toos ahna Wadanka ayaa ku badbaadaya,oo nin walba xaqiisa ayuu helayaa, lamana kala shakiyi doono, marka waxa aan leeyahay Diiwaangelinta aad ha loogu dadaalo, oo dadku ha is diiwaangeliyo, oo xogta ka soo baxdana si fiican ha loo xadifo.

Waxa kale oo aan odhan lahaa Diiwaangelintuun yaan lagu daynin ee tii Dawladdaha hoose ilaa wixii ka yar 15-jirka ilaa Gu jirka ee la sameeyn jirayna ha la sameeyo, si xogta halkaas looga qaato,si halkaas looga ogaado cida qaangadhaysa sannadka dambe, waxaana qudhiisa muhiim ah in lagu daro kaadhka aqoonsiga oo aanay cid walba qaadan karin, oo ninka diiwaangelinta doonaya marka hore kaadhka aqoonsiga la weydiiyo”.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland ayaa mar uu ka hadlaayey Abaaraha waxa uu yidhi “Abaaruhu wey soo noq-noqdeen, ILLAAHAY roob wuu ina siiya laakiin weel aynu u dhiganaa ma jiro, waxaana ILLAAHAY yidhi wax aan ku siiye weel sameeyso, Abaaruhuna waxa ay ku yimadaan macsida oo fara badata, sakada oo la bixin waayo, oo qofkii xaqa u lahaa la siin waayo ayaa keena Abaarta iyo roob la’aanta, ILLAAHAY ha loo toobad keeno, oo ducadii masaajidada la sii badiyo, yaan la joojin, oo macaasida ha la iska daayo, oo dadku ha ku baraarugaan, oo sakada dadkii lahaa ha la siiyo wixi la kala dulmiyeyna ha la isku celiyo.

Waxa kale oo aan talo ku soo jeedin lahaa in Gobolada Somaliland la yidhaahdo laba dhaam ama saddex dhaam sameeyso oo dadkaaga lacagta ka ururi, oo Gobol walba ha isku tashado, oo haddii roobku da’o oo ay biyihu badda galaan waa dhibaato, oo in kayd biyo la helo oo aynu dhaamam u sameeysano roobka ayaa muhiim ah, si aan booyado loo dhaamin,waxaana ku talinayaa inaynu isku tashano oo roobka da’aya aynu u sameeysano dhamaam, oo yaan dawladda waxba laga sugin ee Gobol walba ha lagu amro inuu dhamaam sameeysto, oo lacagta dadkiisa ha laga ururiyo, waa arinta kaliya ee mustaqbalka lagaga badbaadiyo biyo la’aanta”