Madaxweyne Ku Xigeenkii Hore Ee Somaliland Oo Tallooyin U Soo Jeediyey Wasaaradda Waxbarashada

(SL.Post) Madaxweyne-ku-xigeenkii hore ee Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa wasaaradda waxbarashada usoo jeediyey talooyin muhiim ah oo la xidhiidha sidii  tacliinta saree e dalka loo tayeyn lahaa, isla-markaana uu qaranku u yeelan lahaa qorshe cad oo lagu saleeyo ardayda wax baranaysa.

madaxweyne-ku-xigeenkii-hore-saomalaialnd-axmed

Axmed Yuusuf Yaasiin oo hadal u jeediyey dhallinyaro reer Boorama ah, ayaa iasga oo hogo-tusaalaynaya hannaanka lagaga bixi karo shaqo la’aanta jirta xilli tirada dadka wax baranaya badan yihiin, waxa uu shaaciyey in baahi weyn loo qabo sidii wasaaradda waxbarashadu qorshe ugu samayn lahayd jaamacadadaha xadhkaha goostay ee  ganacsida isku beddelay, waxana uu yidhi, “wasaaradda waxbarashada waxa looga baahan yahay in manhajkii dib loogu noqdo oo jaamacadahan faraha badan ee ganacsiga noqday la kaantaroolo oo ay jaamacaduhu kusoo noqdaan gacanta dawladda oo la qorsheeyo ardayda gelaysaa waxa ay baran doonto.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu Axmed Yuusuf Yaasiin  sheegay in dadka camal la’aantu haysaa sida ay haatan yihiin sii ahaan doonaan ilaa iyo inta qorshahaas la samaynayo“haddii aan tallaabadaas la qaadin waynu is dul bixi doonaa oo kala socon mayno, haddii uu maanta dhaco dagaalkii saddexaad ee adduunkuna ma haysano bil cuntadeed” ayuu yidhi Axmed Yuusuf Yaasiin.

Somalilandpost.net