Madaxweyne Ku-xigeenkii Hore Ee Somaliland Oo Ka Hadlay Dibu Dhaca Doorashada Iyo Dhawaaqyada Mucaaradka

Hargeysa, (SLP)- Madaweyne ku-xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa ku baaqay laga wada shaqeeyo sidii doorasho dalka uga qabsoomi lahayd.A.Y.Y

Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa sheegay in baahan yahay in laga fogaado in dalka uu hadheeyo khilaaf siyaasaddeed oo nabad-gelyada saamayn ku yeesha. “Waxaad moodaa doorashooyinkeenii, marka laga yimaado tii 2001-dii ee Dastuurka, tii golaha deegaanka ee 2002-dii , tii madaxtooytada ee 2003-dii, wixii ka dambeeyay waxaad moodaa in kharashka doorashooyinka ay gacanta ku hayaan ajaanib, taasina waa mid khatar ku ah qarannimadeena , waxaan soojeedinayaa in tan ha noqoto ama tu kale in sannad walba lacagta miisaaniyada lagu daro ilaa afar milyan, kuwaasoo shantii  sanno noqonaya labaatan milyan, si aynu inagu isugu filnaano oo ay noqon wax gacanta la inoogu hayo.”

“Doorashadan ay maanta cayimeen komishanku, waxay doorashadu cayinmaysaa oo ay rasmi noqonaysaa marka aynu helno diiwaangelin rasmi ah. Cayimaadan ay June 1-deeda cayimeen waxaad moodaa inay ku timi culays kaga yimi mucaaradka, laakiin waaqaca waan in laga hadlaa , doorashadeenu waxay qabsoomaysaa marka ay diiwaangelintu si wanaagsan inoogu dhacdo.”

Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa ka hadlay dhawaaqa mucaaradka ee ah in dawlad wadaag ah la dhiso, wixii ka dambeeya 26-ka June, waxaanu yidhi. “Waxaan leeyahay waddankani fawdo iyo qas uma baahna, lama qabo aragtidaa muicaaradka ee ah in dawlad wadaaga ah la dhiso, laakiin waxaan qabaa in sharciga la raaco oo qaabkaa ay imika u jaangooyen Komishanku, guurtdu ay raacdo  oo waxa laga dambaysin karaa ay noqoto uun 90 maalmood oo mala awaalka ah oo noqonaysa haddii waqti la waayo intaa inay dheeraad noqoto.”

Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Somaliland ayaa sheegay in haddii xukuumadda Siilaanyo loo kordhiyo waqtiga ay iman karto inay waydo taageerada shacabka, waxaanu yidhi. “Horta haddii aad waqtiga aad sii siyaasataba nac baa imanaya.”

Somalilandpost.net