Madaxweyne ku-xigeenkii Ghana oo loo dhaariyey xilka madaxtinimo ee dalka Ghana Xilli uu geeriyooday madaxweynihii hore

Accra (SLpost)-Madaxweynihii dalka ku yaalla Galbeedka Afrika ee Ghanna John  Evans Atta Mills, ayaa xalay ku geeriyooday cisbitaal ku yaalla Magaalada caasimada ah ee Accra.

Sida uu sheegay xafiiskiisu Madaxweynaha    waxa uu  Madaxweynuhu  ku geeriyooday  cisbitaal , ka dib markii loola cararay xanuun shalay ku soo booday, isaga oo dhawaan ka soo laabtay socdaal caafimaad oo ku tagay dalka Maraykanka.Kulan ay isugu yimaadeen baarlamanka dalka Ghana ayaa xilka  Madaxweynenimada loogu dhaariyaya Madaxweyne ku xigeenkii John  Dramani Maha  oo xilka hayn doono illaa bisha December   ee sannadkan , waxaana lagu dhawaaqay  toddobaad baroor-diiq Qaran ah,iyada oo hoos loo dhigay  calanka dalka Ghana.

Madaxda caalamka iyo Qaramada  Midoobay ayaa tacsi u diray  Madaxweyne John Atta Mills oo ay ku tilmaameen nin dadaal ugu jiray sidii uu dalkiisa u horumarin lahaa.

Madaxweyne Barack Obama oo ay kulmeen sannadkii 2009-kii markii uu booqashadiisii ugu horeysay ku maray Qaaraada Afrka , ayaa sheegay in uu ahaa hogaamiye u adeegayay shacabkiisa“ Madaxweyne Mills isaga oo ka dadaalan waxa uu u shaqeeyay sidii  uu horumarin lahaa nolosha dadka reer Ghana” ayuu  yidhi Obama.

Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon,  Madaxda dalalka Nigeria, Ivory Coast, Toga iyo hogaamiyayaasha  kale ee caalamka ayaa iyana dadka reer Ghana ka tacsiyeeyay dhimashada Madaxweyne John Mills.Mr Mills ayaa sannadkii 2010-kii ku guulaystay in dalkiisa saliid laga soo saaro, ka dib markii uu soo jiitay   maalgashi caalami ah.