Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo Xafiiskiisa Ku celiyey Maareeyaha Telefishanka Qaranka ee Wasiir Cukuse Wasaaradda ka caydhiyey

Hargeysa (SLpost)- Madaxweyne kuxigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahji Ismaaciil (Saylici) oo uu weheliyo Maareeyihii Telefishanka Qaranka ee la caydhiyey, ayaa saaka subaxnimadii ku-waabariistay Wasaaradda Warfaafinta iyo Telefishanka Qaranka si uu ugu kuur galo khilaafka maamul ee u dhaxeeya Wasiir Cukuse iyo Maareeye Khadar Cali Gaas, kuwaasoo ay Shaqaalaha wasaaradaasi la kala safteen.

Madaxweyne kuxigeenka Somaliland ayaa kulan la yeeshay madax-waaxeedyadda Wasaaraddaas waxaanu ka dhagaystay warbixino la xidhiidha khilaafaadka ka taagan wasaaradda iyo telefishanka, waxaanay u bandhigeen dhibaatooyinka jira.

Kulanka madaxweyne ku-xigeenku la yeeshay madaxda wasaaradda oo Albaabadu u xidhnaayeen awgeed, lama garan karo waxyaabaha uu kala hadlay, haseyeeshee qaar ka mid ah Shaqaalaha wasaaradda, ayaa noo sheegay inuu madaxweyne ku xigeenku ku war-geliyey in laga dhur-sugo muddo laba cisho inta uu madaxweynuhu ka soo noqonayo safarka Itoobiya, ka dibna ay madaxtooyadu go,aan Ka qaadan doonto.

Radio HargeysaMd Saylici ayaa la sheegay inuu geeyey Maareeyaha Telefishanka xafiiskiisa isla markaana amray Shaqaalaha telefishanku inay la shaqeeyaan inta go’aankaasi ka soo baxayo.

Go’aanka Wasiir Cukuse shaqada kaga joojiyey maareeyaha Telefishanka, ayaa la sheegayaa inay salka ku hayso natiijo ka soo baxday socdaalkii dhowaan wasiirka Madaxtooyadu ku tagay dalka Ingiriiska, ka dib markii ay soo baxday isla markaana ay jaaliyadda dalkaasi wasiirka u sheegeen inay iyagu bixiyaan kharashaadka xafiiska iyo Shaqalaha telefishanka Qaranka xaruntiida magaalada London, arrintaas oo lala xidhiidhiyey tuhunno musuq-maasuq oo lagu tirinyo maareeyaha.

Si kastaba ha ahaatee, tallaabadan Madaxweyne ku-xigeenka ayaa u muuqata mid meesha ka saaraysa go’aankii Wasiir Cukuse shaqada kaga joojiyey maareeyaha Telefishanka oo la sheegay inay madaxtooyadu aad saluugtay maadaama uu maareeyuhu ku magacaaban yahay Digreeto madaxweyne, taas oo loo arkay mid nusqaan ku ah dhismaha iyo kala-dambaynta hannaanka Dawladeed.