Hargeysa, 31 March, 2012 (SLpost)- Madaxweyne ku xigeenka JSL Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta xadhigga ka jaray cusbitaal cusub oo laga furay galbeedka magaalada Hargeisa.
Munaasibadda Furitaanka Cusbitaalkan oo ay kasoo qeyb galeen wasiirada warfaafinta iyo caafimaadka, gauddoomiyaha xisbiga  Kulmiye, xildhibaano , culimaa’udiin iyo marti sharaf kale, ayaa waxa halkaasi ka hadlay madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici oo ku hambalyeeyey  muwaadinka furay cusbitaalka SHIFO kaalinta iyo waxtarka uu u yeelan doono bulshada Somaliland, isagoo ugu baaqay bulshada  in ay adeegyada cusbitaalkaasi bixin doono ay kaga maarmi doonaan howlihii caafimaad ee ay dalka dibaddiisa u tagi jireen dadku, waxaanu intaasi ku daray in xukuumad ahaan ay dhiirigalinayaan cusbitaalada gaarka ah.
Wasiirka warfaafinta Cabdi Yuusuf Ducaale oo halkasi isna ka hadlay  ayaa ku dheeraaday qiimaha ay  muwaadinka hirgaliyey cusbitaalkan  uu ugu fadhiyo dalka, kuna amaanay dadaalka uu la yimi.
Waxa  sidoo kale halkaa ka hadlay wasiirka caafimaadka Dr Xuseen Xoog oo sheegay in Dr Cali Axmed uu waxbadan kala qabtay kicinta machine-ka kalyaha sifeeya ee cusbitaalka guud oo dhawaan si rasmi ah u shaqeyn doona.
Guddoomiyaha xisbiga Kulmiya Muuse Biixi Cabdi  oo madashaasi ka hadlay ayaa ka waramay taariikhda muwaadinka cusbitaalka  dhisay, dhiiri galin iyo amaana u soo jeediyey.
Gebogabadii waxa munaasibaddaasi hadal kooban ka soo jeediyey mulkiilaha cusbitaalka Shifo Dr Cali Axmed oo ka waramay taariikhdii uu soo maray fikirka iyo hindisaha cusbitaalka maanta la furay.
SLpost News Desk
Hargeysa, Somaliland