Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo tilmaamay Sida aanay u habboonayn in Madaxda dalka lagu Abaalmariyo Gudashada Waajibaadkooda

Hargeysa (SLpost)- Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa markii ugu horreysay ka digay qaabka Ururrada Waddaniga ah ee dalka ka jiraa u bixiyaan waxyaabaha ay ugu yeedhaan Abaal-marinta, isla markaana waxa uu ku taliyey maaddaama oo ay waxa Abaal-marin loo yaqaannaa wax weyn tahay marka loo eego heer caalami loo baahan yahay in loo sameeyo Xeerar iyo Shuruuc lagu hago iyo Shuruudo lagu xulan karo cidda Abaal-marin u qalanta.

Soo-Dhawayntii-Saylici-25Md. Cabdiraxmaan-Saylici waxa uu sheegay inaan loo baahnayn in gudashada waajibaadka Shaqo ee saaran iyo Xilka ay Qaranka u hayaan lagu abaal-marin Masuuliyiinta kala duwan ee laamaha dawladda, balse loo baahan yahay in la abaal-mariyo Muwaaddiniinta Bulshada ka tirsan ee dalka iyo dadka Somaliland wax ku soo kordhiya oo sannadkiiba shan qof iyo wax la mid ah la soo heli karo haddii si sax ah wax loo qiimeeyo.

Madaxweyne Ku-xigeena Somaliland Cabdiraxmaan-Saylici waxa uu sidaas ku sheegay hadal uu ka jeediyey Munaasibad uu 54 qof oo isugu jira Masuuliyiin dawladda ka tirsan, Suxufiyiin, Qoraayo, Ganacsato, Qurbo-joog, Shaqaale dawladeed, Xildhibaanno, Hal-abuurro, Culimo iyo qaybaha Bulshada oo Urur WADDANI ahi u soo xulay Shaqsiyaadka Sannadkan galbanaya ee 2014-ka noqdeen kuwo wax ku kordhiyey Danta guud iyo Daryeelka Bulshada sida ay hadalka u dhigeen.

“Waxaan hambaaynayaa cidda halkan abaal-marinta lagu siinayo. Waxaan leeyahay Saaxiibbadayda SODRA waxa la yidhaahdo Abaal-marintu waa inaanay idinka noqon nin jecaysi, saaxiib-garasho iyo wax la mid ah, waa arrin aad iyo aad u muhiim ah, waa in Xeerar, Shuruuc iyo Shuruudo aad ku kala doorataan ummadda ee aanay mar walba innaga noqon biyo-dhac, waayo? Xil baa inna wada saaran.”

“Weliba gaar ahaan inta ummaddani u igmatay inay xil u hayso hadday dadaalaan waa waajibkooda, haddii ay waajibkooda ka soo bixi waayaanna Illaahay baa kala xisaabtami. Markaa, dadka inta badan la abaal-marinayaa waa inay noqdaan Shaqsiyaadka Bulshada wax ku soo kordhiya ee aanay noqon Masuuliyiinta Qaranka, balse waxa la heli karaa sannadkii illaa shan qof oo dadka iyo dalka wax ku soo kordhiyey, Masuuliyiinta Qaranku hadday dedaalaan waa waajib saaran.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan-Saylici.

SOMALILANDPOST.NET