Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo Tacsi u Diray Qoysaska Dadkii ku Naf-waayey Shil Baabuur oo gobolka Gabiley ka dhacay

Hargeysa (SLpost)- Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland ahna Ku simaha Madaxweynaha JSL Mudane C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa caawa dhambaal tacsi ah u diray qoysaskii ay ka geeriyoodeen dadkii ku naf-waayay shilkii baabuur ee galabta ka dhacay jidka u dhaxeeya Gabiley iyo Hargeysa.

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed kooban oo uu soo saaray afhayeenka madaxtooyadda Mudane Axmed Saleebaan Dhuxul,kaasi oo u qornaa sidan:-

sayliciMadaxweyne ku-xigeenka Somaliland,ahna ku simaha Madaxeynaha Jamhuurayadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) waxa uu tacsi u dirayaa dadkii ku geeriyooday shil-baabuur oo maanta (24.04.2013) ka dhacay jidka isku xidha Hargeysa iyo Gabiley kaas oo keenay khasaare xoog leh oo naf iyo maalba leh, kuna geeriyoodeen tiro sideed (8) ruux , halka ay dhaawacmeen todoba (7) ruux oo kale.

Madaxwayne ku-xigeenku ahna ku simaha madaxweynaha JSL, waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa dadkaasi ku geeriyooday shilkaasi inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee ay ka bexeena Samir iyo Imaan ha ka siiyo.
Inta ku dhaawacantayna waxa uu madaxweyne ku xigeenku u rajeeyey inuu ALLE ka shaafiyo dhaawaca soo gaadhay. IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN.”

SOMALILANDPOST.NET